Maxaad Ka Taqaanaa Dhiigga Bani’aadamka

Maxaad Ka Taqaanaa Dhiigga Bani’aadamka
DHIIGA

Dhiiggu waa dareere jidhka u ah gaadiid u kala goosha waxaana lagu sameeyaa dhuuxa lafaha waaweyn ee jidhka. Qofka miisaankiisu yahay 70 kg waxa jidhkiisa ku jira 5-6 litir oo dhiig ah.
Shaqada dhiigga:
In uu ka soo qaado Ogsajiinta sambabadda geeyana nudaha jidhka.
In uu ka soo qaado kaarboon laba ogsaydh ka nudaha geeyana sambabadda si looga saaro jidhka.
In uu ka qeyb qaato difaaca jidhka
In uu gaadhsiiyo hormoonada nudaha jidhka
In uu gaadhsiiyo nudaha nafaqada iyo in uu ka soo qaado qashinka nudaha gaadhsiiyana orgaanada qashin tuurka sida kelyaha.
In uu hormeeyo heerkulka jidhka.
In uu sameeyo xinjiro si aan loo dhiig bixin.
Qaybaha Dhiigga:
Dhiigga waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo waaweyn oo kala:
1. Unugyadda dhiigga (Blood cells) oo ah 43 %
2. Dareeraha dhiigga (Blood plasma) oo ah 57 %
1. Unugyadda dhiigga waxa loo qaybiyaa:
B: Unugyadda cas ee dhiigga, (Erythrocytes)
T: Unugyadda cad ee dhiigga (Leukocytes)
J: Unugyadda xinjirawga dhiigga (Thrombocytes).
B: Unugyadda cas ee dhiigga, (Erythrocytes)
Unugyadda cas qaabkoodu waa sida goobadda ama wareega waanay is badbedali karaan taas oo u fududeysa ka gudubka xididdada kala duwan ee dhiigga waxaanay noolaadaan 120 cisho. Sakankiiba waxa samaysma laba milyan oo unugyadda cas ee dhiigga, litirkii dhiig ahba waxa ku jira 4-5 bilyan oo unugyadda cas. Halkii unug ee dhiig cas ahba wuxuu ka kooban yahay hal borotiin kaas oo loo yaqaano Hemoglobin (Hb). Hemoglobintu waxay la falgashaa Ogsajiinta iyo Kaarboon laba ogsaydhka si ay u qaadhsiiso Ogsajiinta nudaha jidhka uguna soo qaado Kaarboon laba ogsaydhka nudaha jidhka gaadhsiisana sambabadda. Marka jidhku u baahdo unugyo cusub oo noocan ah waxa cariya ama fariin u dira dhuuxa hormoono ay kelyuhu soo daayaan. Samaynta unugyaddani waxay ku qaadataa dhuuxa todobaad. Si unugyaddan loo sameeyo waxa loo baahan yahay borotiin, macdanta birta, fiitamiinada C iyo B12.
T: Unugyadda cad ee dhiigga (Leukocytes)
Shaqada ugu weyn ee unugyadda cad waa la dagaalanka noole-yarayaasha jidhka cuduradda u keena sida bakteeriayadda, iyo feyriska. Unugyaddan waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo waaweyn oo kala ah: Granulocytes waxay ka difaacaan ama burburiyaan, bakteeriyadda iyo dulinka jidhka cuduradda u keena. Lymphocyte waxay ka difaacaan jidhka feyriska waxa kale oo ay sameeyaan unugyadda difaaca jidhka. Monocyte waxay ka nadiifiyaan jidhka unugyadda gaboobey iyo bakteeriyadda.
J: Xinjirawga dhiigga (Thrombocytes)
Unugyaddan waxay noolaadaan dhawr maalmood waxaa ku jira halkii litir ee dhiig ah 150- 400 biljan. Shaqadooda ugu weynina waa in ay ku sameeyaan dhiigga xinjiraw si uu u joogsado la’aantoodna waxa ku dhacaya qofka dhiig bax.
2: Dareeraha dhiigga:
Dareeraha dhiigga ama balaasmada waa dareere midab huruud ah leh oo si fiican loo arko marka dhiigga xoog loogu wareejiyo mashiin loogu talo galay kaas oo unugyadda dhiiggu xagga hoose fadhiisanayaan dareerahanina dusha soo marayo. Dareerahan waxa uu ka kooban yahay badankiisu biyo qiyaastii 90 % inta soo hadhayna waa borotiino, cusbooyin iyo maadooyin kale. Borotiinada ku jira dareerahan waxa ka mid ah:
Albumins oo shaqadeedu tahay in aaanay biyuhu ka bixin dhiigga waxa kale oo ay qaadaa hormoonada iyo dufanka qaarkood.
Transferrin oo shaqadeedu tahay ka qayb qaadhashada samaynta dhiigga waxaanay qaadaa macdanta birta oo ay gaadhsiiso dhuuxa halkaas oo lagu sameeyo dhiigga.
Globulins oo shaqadeedu tahay ka difaaca jidhka bakteeriyadda iyo feyriska.
fibrinogen oo shaqadeedu tahay dhiig joojinta.
Cusbooyinka ku jira dareerahan waxa ka mid ah:
Waxa ka mid aha Naatriyam (sodium), kloriin (chloride), kaaliyam (potassium), kaalsiyam (calcium), foosfor (phosphate) iyo magneesiyam (magnesium). Cusbooyinka waxay u qabtaan jidhka shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin in ay fariimaha ama signaalada gaaadhsiiyaan unugyadda dareen-wadayaasha, Noocyada dhiigga
Inkastoo dhiigga banii’aadamku uu isku mid yahay marka laga eego xagga waxa uu ka kooban yahay hadana waxa lagu kala duwan yahay nooca dhiigga ee qofku leeyahay kaas oo uu kaga duwan yahay dadka kale. Waxa jira laba hab oo dhiigga noocyadiisa loo qaybiyo oo kala ah:
1: Habka-AB0
2: Habka- Rh
1. Habka-AB0 waxa loo sii kala qaybiyaa:
Nooca dhiigga A
Nooca dhiigga B
Nooca dhiigga AB
Nooca dhiigga 0 (Eber)
Kala duwanaanshaha noocyadan dhiigga waxa uu ku xidhan yahay hadba kuu yahay nooca borotiin yar oo loo yaqaan antijiin ee laga helo xuubabka unugyadda cas ee dhiigga oo tusaale ahaan nooca dhiigga A waxa xuubkiisa ku jira antijiinka A, nooca B waxa ku jira antijiinka B, nooca AB waxa ku wada jira antijiinada A iyo B halka nooca 0 (Eber) waxba kuma jiraan xuubkiisa.
Waxa kale oo ku jira dareeraha dhiigga ama balaasmada lid-jidh (anti-Body) kaas oo lid ku ah antijiin ku jira nooc kale oo dhiigga, tusaale ahaan hadii nooca dhiiggu yahay A waxa uu leeyahay lid-jidh la dagaalamaya nooca dhiigga B, nooca dhiigga B waxa uu leeyahay lid-jidh la dagaalamaya nooca A, nooca AB mal aha wax lid-jidh ah, halka nooca 0 (Eber) uu leeyahay lid-jidh A iyo B.
Sidaas darteed si aanay lid-jidhku wax u yeelin dhiigga cusub ee lagu shubay la siiyaha waa in la raacaa habkan:
Nooca A waxa uu siin karaa dhiig A iyo AB
Nooca B waxa uu siin karaa dhiig B iyo AB
Nooca AB waxa uu siin karaa dhiig AB
Nooca 0 waxa uu siin karaa dhiig A, B, AB iyo 0
2: Habka-Rh
Waxa kale oo ku jira xuubabka nugyada dhiigga borotiin kale oo aan ahayn kii aan soo sheegnay waana borotiinka Rh oo hadii laga helo qofka xuubabka unugyadda dhiigiisa waxa la odhanayaa waa nooca Rh+ hadii aanu lahayna waxa la odhanayaa waa Rh-.
Nooca Rh+ waxa uu siin karaa dhiig Rh+
Nooca Rh- waxa uu siin karaa dhiig Rh- iyo Rh+ Waxa aad muhiim u ah in la ogaado nooca dhiigga lagu shubayo qofka u baahan dhiig sababtoo ah jidhku ma qaadanayo dhiig aan noociisa ahayn oo hadii qof dhiigiisu A yahay lagu shubo nooca B lid-jirka ku jira qofka la siiyey dhiigga ayaa gunta unugyadda cas ee B ee siiyaha. Unugyaddan guntamay waxay oodi karaan xididdada dhiigga ee yaryar waxaanay taasi keeni kartaa dhimasho ku timaada qofkii lagu shubay dhiiggga.
Waxa soo diyaariyey: C/raxmaan xaashi Cabdi