Maxkamadda Gobolka Togdheer Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Lix Nin Oo Ku Eedaysnaa Foojari.

Maxkamadda Gobolka Togdheer Oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Lix Nin Oo Ku Eedaysnaa Foojari.
maxkamad1

Burco(Salaanmedia.com)-Maxkamada gobolka Ee Burco ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 4 nin oo foojari gareeyey documentska wasaaraddda maaliyadda iyo hawlaha guud sida shaabadaha iyo documentska wax lagu cashuuro sida entryga kastamada iyo waraaqaha wado marista iyo kala wareejinta,dambiga .
Waxaanay Kiiskan Ku Eedaysnaa 6 Qof, Dhagaysiga Dacwadan Oo Maxkamadda Gobolka Ka Socotay Bishii Hore Dhowr Jeerna Maxkamadda La Taagay Eedaysanayaasha Ayey Maxkamaddu Maanta Ku Dhawaaqday Go-aan kii Kama Dambaysta ahaa Waxaanay maxkamadu sii daysay Laba Eedaysane Oo Wax Dambi ah Lagu Waayey,Halka Laba ka mid ahna min laba sano Oo Xadhig ah Lagu xukumey halka ninkii sameynayey Foojariga Uugu Badan iyo Nin ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee caynabo ugu qornaa lagu xukumay min afar sano oo xadhig ah.
Soo Qabashadda Dambiilayaashan Ayaa Waxaa Qayb Libaax Ka Qaatay kastamka Beer ee ku yaala duleedka Burco. Iyo Weliba Askarta Wasaaradda Maaliyadda Ee Gobolka Togdheer Waaxda Cashuuraha Beriga Iyagoo Ku Qoran inay dabagalaan wixii soo dhaafa kastamada Bariga, Iyo Weliba Wixii Wax Isdaba Marin ah.