Michel Platini Oo Muujiyay Sida Uu Uga Xunyahay Qaabkii Loola Dhaqmay Arsenal Iyo Man City.

Michel Platini Oo Muujiyay Sida Uu Uga Xunyahay Qaabkii Loola Dhaqmay Arsenal Iyo Man City.
Michel-Platini

Madaxa waynaha xiriirka kubada cagta yurub Michel Platini ayaa si kulul uga hadlay go,aankii lagu cayriyay goolhayaha Arsenal Szczesny kulankii Champions League ee ay Bayern Munich uga awood sheegatay 0-2.
Michel Platini ayaa ku dooday in uusan ku qanacsaneen sharciga hada lagu maamulo kubada cagta isagoo horay u sheegay in aan goolhaye casaan loo taagin qaladkasta oo uu galo taabadal keedana laga dhigo rigoore tan kale wuxuu sheegay in ciyaar yahankii qalad sameeya ciyaarta laga saaro mudo 15 daqiiqo ah kadibna uu dib ugu soolaabto ciyaarta.
Michel Platini oo ka soo hor jeeda labadii qalad ee casaanka lagu siiyay Demichelis iyo Szczesny ayaa yiri” 15 sano waxaan isku dayeeynay sidii aan ku badali lahayn sharcigaan, dhamaan qaybaha ay kakoobantahay Uefa iyo FIFA way kasoo hor jeedaan waxa dhacaya, laakiin markii aan u tagnay hay,ada sharci dajinta waxay dheheen mabadali doono sharcigaan, Arsene Wenger wuxuu sheegay in garsooraha uu dilay ciyaartii laga adkaaday kooxdiisa laakiin garsooraha wuu ku qasbanyahay inuu u hogaansamo sharcigaan xayawaan ka ah”.
Kooxaha Man City iyo Arsenal ayeey soo gaartay guul daro kulamadii ay ciyaareen Champions League isbuucii hore kadib markii casaan ay ka kala qaateen Szczesny iyo Demichelis taas oo keentay in Michel Platini uu soo bandhigo qaabka uu uga xunyahay sharciga hada lagu maamulo kubada cagta.

LAAQALO