Mirko Vucinic Oo Lagu Waramayo Inuu Iska Diiday Xiisihii Arsenal Iyo Valencia

Mirko Vucinic Oo Lagu Waramayo Inuu Iska Diiday Xiisihii Arsenal Iyo Valencia
113juva

Mirko Vucinic ayaa u muuqda inuu iska sii joogayo Juventus iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu iska diiday xiisihii uu ugu wareegi lahaa Arsenal iyo Valencia.
Waxaa la isla dhexmarayay in ciyaaryahankani ee reer Montenegro inuu ka tagayo kooxda Old Lady todobaadkan, ka dib markii uu burburay daqiiqadihii ugu danbeyay heshiiskii uu ugu wareegi lahaa Inter Milan.
Si kastaba, wararka xanta ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in Vucinic uusan xiiseyneynin u soo dhawaanshaha xilliga danbe ee Valencia, halka wariyaha caanka ah ee Sky Sport Italia Gianluca Di Marzio uu sheegayo in 30 jirkaan uu sidoo kale iska diiday xiisaha ay Arsenal u heysay.
Waxaana la ogaaday in Vucinic uu la xidhiidhay Juventus isagoo u sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo halkii uu bixi lahaa bishaan Janaury

Laaqalo