Mudada Uu Gerard Pique Ka Maqnaanayo Garoomada Oo La Shaaciyay

Mudada Uu Gerard Pique Ka Maqnaanayo Garoomada Oo La Shaaciyay
MUDADA

Daafaca dhexe ee Barcelona Gerard Pique ayaa dhaawac ka soo gaaray bowdada midig waxa uu la maqnaan doonaa muddo labo isbuuc ah.
Pique ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankii xalayto ay guuldarada ka soo gaartay Real Sociedad. Waxaana daafaca Catalans uu ciyaaray xilli ciyaareedkan 33 kulan isagoo dhaliyay afar gool.
Piqué ayaa dhaawac sidaan oo kale ah ku seegay bishii November, waxaana website-ka Barcelona lagu shaaciyay in daafaca dhexe uu maqnaan doono muddo labo todobaad ah.
Dhaawaca soo gaadhay Pique ayaa dhabarjab ku ah Barcelona kuwaasoo dhibaato dhanka daafaca ah qabay mudooyinkii ugu danbeysay.