MURASHAXA MADAXWEYNE EE XISBIGA UCID IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO SI WEYN LOOGU SHAWEEYAY MAGAALADDA BURCO

(Salaanmedia) Wed.comnesday, February 05, 2014 11:07:51
Ucid One

Burco (Salaanmedia.com) – Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta soo gaadhay Magaaladda Burco ee caasimadda Gobolka Togdheer.
Waftigan oo ay xubno ka ahaayeen Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaasi Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo masuuliyiin kale. Maamulka Gobolka Togdheer ayaa degmada Sheekh Kaga Hortagay Waftigan, waxaanay u sheegeen in aanay gudaha u geli Karin Magaaladda Maadaama laga cabsi qabo bay yidhaahdeen in dadka reer Burco ay magaaladda wax u dhimaan.
Ucid22

Markii weftiga murashaxu soo gaadhay Hotel cigaal agagaarkiisa waxa la arkay ciidamo tiro badan oo dhooban Halkaasi , Kadiba waxa baabuurta ka soo daatay Taageerayashi xisbiga ucid iyo dadweynihii soo dhoweynayey murashaxa oo u badnaa Dhalinyarada Gobolka, waxanay Xoog ku jiidheen ciidankii goobtaas joogay.
Ucid 44

Badhasabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa ciidankiisa amar ku siiyey inaanay wax xabbad ah ridin, waxana murashax jamal ali husein iyo murashax cabdirashid xasan mataan la saaray xaajiyad ka mid ah baabuurtii weftiga dusheeda.
Ucid One

Kadib waxa loo gelbiyey dhinaca xafiska xisbigu ku leeyahay burco halkaasoo ay dadweynaha kala hadleen murashaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee xisbiga Ucid , waxayna dadweynaha ugu baaqeen inay nabadgelyada ilaaliyaan iyagoo u sheegay inaanay u rumayn belaayada ay dawladdu u yeedhanayso isla markaasna is dejiyaan, wuxu sheegay md jamal ali husein in xukumaddu ay doonayso in gobolada dalka fiisayaal loo kala goosto, isagoo shacabka reer burco ku ammaanay diidmada ay kala hor yimaadaan go’aanka raqiiska ah ee xukuumadda.
Laaqalo