Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana War Bixiyey Safaradii Uu Ku Maqnaa Ee Debada

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana War Bixiyey Safaradii Uu Ku Maqnaa Ee Debada
116ucid

Hargeysa, February 4, 2014 (Salaanmedia.com) – Musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey dalka.
Musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay soo dhawayta ku xigeenkiisa ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu dalka dib ugu soo laabto waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Maanta sharaf ayay nootahay inaan halkan ku soo dhawayno musharaxa jagada madaxwene ku xigeen ee xisbiga UCID Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo dalal badan oo dibada ah soo maray hadana ka yimi dalka Uganda, Cabdirashiid waxa uu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee xisbiga UCID aniga oo ku hadlaaya magaca xisbiga iyo taageerayaashiisaba si weyn ayaanu u soo dhawaynaynaa. Aniga Cabirashiid iyo guddoomiyaha.
Xisbiguna waxaanu rajaynayna inaan safaro gobolada dalka ku soo marno, si aan u ogaano xaalada guud ee dalka, isla markaasna ula soo sheekaysano oo aanu ogaano arimahooda si aanu codkooda ugu hadalno maadaama oo aanu nahay xisbi mucaarad ah.” Ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.
Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweyey hogaanka sare ee xisbiga Ucid, qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi iyo dad weyne kale.
Sidoo kale musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan oo isaguna la hadlay warbaahinta markii uu soo gaadhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa mahad celin balaadhan u soo jeediyey dadkii ku soo dhaweeyey dalka, waxaanu sheegay inuu qayb ka noqon doono is xogwaraysi balaadhan oo dhex mari doona xubnaha xisbiga Ucid waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Alle ayaa mahad leh nabad qab dalka igu keenay,sida oo kale waxa aan u mahadnaqayaa taageerayaasha xisbig UCID.ujeedada safarkagu waa inaan isugu nimaadno isxogwaraysi iyo talooyin xisbiga iyo dalkaba quseeya iyo inaan qayb ka noqdo safarada xogagaal u noqshada ah ee gobalada dalka. Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo aan u canbaaraynayaa xadhiga soo badanaaya ee lagula kacaayo dadka Somaliland,haday tahay dhalinyaro iyo aqoon yahanba, waxaan gaar ahaan u canbaaraynayaa dhalinyarada ku xidhan Gabilay oo u xidhan fikirkooda een galin wax danbi ah, waa xadhig sharci daro ah oo ka soo jeeda dastuurka aynu qaadnay, waa xadhig ka soo hor jeeda taariikhda Somaliland ay leedahay oo tilmaamaya dadku waxay ka dagaalameen in aynu inagii dib ugu dhaqmayno,xadhigaas iyo cabudhinta soo kordhaysaa maaha mid anfacaysa xukuumadda, waxaanan u sheegaynaa inay dib uga noqoto,wax la sharfo aadamaha ayaa ugu sareeya oo Alle ayaa quraankiisa ku sheegay, hadii qofku waayo xoriyadiisa shaqsiga ah waxa ka dhib badan ma jirto,waxa lagu faanona waxa ugu mudan qofka Aadamaha ah karaamadiisa oo la ilaaliyo,waxay xoriyadii maraysaa in wargaysyadeenii inbadan xidhan yihiin oo aan waxba layska odhan.wax qayb ka ah firkirada aan urursanayno doodii qaran oo aanu rabno wax badan oo dalkan ka qabyo ah iyo dhibaatooyinka soo kordhaya inay u noqon doonto dabar.”

Laaqalo