Muuse Biixi soo dhaweeyey Go’aankii ay Guddida Turxaan Bixintu Ka Soo Saareen Khilaafkii xisbiga Soo Kala Dhex Galay.

Muuse Biixi soo dhaweeyey Go’aankii ay Guddida Turxaan Bixintu Ka Soo Saareen Khilaafkii xisbiga Soo Kala Dhex Galay.
muuse

Hargeysa:(Salaanmedia.com)Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka Hadlay Sida uu u Arko Go’aankii ay Guddida Turxaan Bixintu Ka Soo Saareen Khilaafkii xisbiga Soo Kala Dhex Galay.
Guddoomiye Muuse oo ka Hadlayey Madashii Qoddobada Xisbiga lagu Kala Furfuray laga Soo Saaray, ayaa Sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay Natiijada ay Guddidu Soo Saareen, isagoo si Gaar ah ugu Mahad Naqay Guddidii Hawshaan ku Jitey, “ waxan u mahadnaqayaa Guddida Turxaan Bixinta oo Shaqo adag qabatay, Xisbi Siyaasi ah oo Baaxadaas leh Marka loo Eego kama aha Boqolkiiba Toban Xanafta Dimuqraaddiyadda, Doodduhuna waa u astaan Dimuqraaddiyadda, intaas Kulmiye JIreyna hawshiisa waxa uu ku Dhamaysan jirey isu Tanaasul iyo Wada Hadal.” Ayuu Yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse ayaa Halkaas kaga Dhawaaqay inuu Xisbiga Kulmiye Qaatay oo aqbalay Kuna Dhaqmi Doono Dhammaanba Qoddobada Guddidu soo Jeedisay, isagoo Tilmaamay inay waxa la isku Hayey ahaayeen kaliya Sidee Wax u Wadnaa, waxana uu yidhi,
“Qoddabadaas Guddidu soo Jeedisay Sideeda ayuu xisbigu u qaatay waanu ku Hawlgelayaa, Markii horena ma jirin Qaab Beelaysan iyo mid kale oo jirey ee sidee Haboon ayaa la Isku Hayey.”,
Waxa kale oo uu Guddoomiye Muuse ka Dareen Celiyey Qoddob ka mid ah Kuwa lagu Turxaan Bixiyey Khilaafka Xisbiga oo La Soo Saaray, kaas oo Sheegaya inaan cidi kula Tatami Karin Hoggaanka Xisbiga, waxana uu Yidhi, “qoladayada Hoggaanku waa idinku mahad naqaynaa Haddaad Tidhaahdeen Shanta sano ee Soo Socdaa Waa idin Dooranay”
Guddoomiye Muuse oo Hadalkiisa Sii Wata, ayaa Yidhi,
“Annngana waxa nalaga Rabaa Masuuliyadeeddi iyo ABaalkaas Aad Noo Gasheen oo Rag Badan oo Hami Lahaa baa JIrey, Ciddii Soo Qaban Qaabisay iyo Ciddi Nooga Hadhayba Aad Baanu Idiinka Mahad Naqaynaa.”
Hadalkan Guddoomiye Muuse ayaa ku Soo Beegmaya Xilli la SHeegay in la Soo Afjaray Khilaafkii Gaamuray ee Xisbiga Kulmiye Mudadda Badan ku dhex Jirey, waxana Haatan Muuqata inaan Guddoomiye Muuse iyo Ragga Ku Xeeran loogu Soo Dhawaan Karin Tartanka Hoggaanka Xisbiga oo Looga Hadhay.

LAAQALO