Nin 300 oo Jeer Tikidh U Goostay Si Uu U Helo Cunto Free Ah

Nin 300 oo Jeer Tikidh U Goostay Si Uu U Helo Cunto Free Ah
NIN

Nin u dhashay dalkaasi China ayaa dayuurad keliya ka goostay tikidh 300 oo jeer si uu u helo cunto free ahqaybta Vip da ee madaarka.
Ninkan oo aan la sheegin magaciisa,ayaa dayuuradda la yidhaah Eastern China Airlines ka goostay tikidh aan lacagtiisana laguu celinayn,kadibna ku riday suuligii markii uu cuntadii free ga ahayd helay.
Markii uu sidaa sameeyo,kadibna wuxuu goosanayey tikidh kale isagoo waqtiyadana bixitaankana badalaya,kadibna ka baxaya madaarka.
Maalinta xigta,ayuu soo noqonayaa wuxuuna tusayaa tikidhkiisii cusbaa,kadibna cuntadii free ga ahayd ayuu dalbanayaa.
Ninkan ayaa waxaa ogaaday saraakiisha dayuuradda keliya,waxayna cadeeyeen inaysan wax tallaabo ah ka qaadi karaynin ninkani si uu u joojiyo ficilkan.lamana garanayo waxa ku kalifay.