Qarax Banbaano Oo Lagu Weeray Baydhabo Hotel Ay Daganyihiin Musharixiin Iyo Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Somalia

Qarax Banbaano Oo Lagu Weeray Baydhabo Hotel Ay Daganyihiin Musharixiin Iyo Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Somalia
BANBO

Baydhabo: (Salaanmedia.com)Warar ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in habeenkii xalay hotel kuyaala Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu weeraray Bambaano nuuca gacanta laga tuuro ah.
Hotelka Bamka lagu weeraray ayaa lagu Magacaabaa Kulmiye waxaan halkaasi dagnaa Musharixiin u taagan Xilka Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka 6-gobol ka kooban ee Baydhabo lagu dhisayo iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa Bambaano ee xalay lagu weeraray Hotelka kuyaala Magaalada Baydhabo waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaadhay qaar kamid ah ilaalada Hoteelkaasi, kuwaa oo la geeyay Goobaha caafimaadka si loo daweeyo.
Ciidamada Dowlada ee kusugan Magaalada Byadhabo ayaa qaraxa kadib bilaabay baadhitaano, inkastoo aan wali saxaafada loo soo bandhigin dad loo soo qabtay Weerarka Bambaano ee xalay lagu qaaday Hotelka Kulmiye.
Magaalada Baydhabo waxaa kusugan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo ergooyin tiro badan oo ka qeyb galaya labo shir oo isdiidan kaa oo lagu dhisayo Maamul Goboleed la magac baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya

LAAQALO