Qolka Meydka Ee Cusbitaalka Hargaysa Oo La Soo Gaadhsiiyey 6 Qof Oo Ku Dhintay Shilal Gaadhi.

Hargeysa(Salaanmedia.com) Tirada Meydad gaadhaya Lix Qof ayaa shalay yaallay Qolka Meydka ee Cusbitaalka Magaalada Hargeysa,waxaanay intooda badani ku soo dhinteen shilalka gaadiid ku qalimay jidadka galbeedka iyo Bariga Magaalada Hargeysa,iyadoo dhinaca kalena uu ku yaraaday qolka meydka oo loogu talo galay in markii qudha la dhigi karo tiro ka yar afar qof,arintaasi oo dhalisay shalay in si deg deg ah looga guro meydadka aan talaagada ku jirin si aanay u qudhmin.
MMMMM

Khasaaraha shilalka gaadiidka ka dhasha ayaa si aad ah ugu soo badanaya magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolka dalka Somaliland oo dhan,waxaana shalay cusbitaalka weyn ee Hargeysa buux dhaafiyay ehelada lix qof oo meydkooda shalay la soo dhigay cusbitaalka magaalada Hargeysa kuwaasi shan ka mid ahi ay qayb ka yihiin khasaare uu dhaliyay gaadhi nooca rakaabka qaada ah oo shalay ku rog maday laamayda isku xidha Hargeysa iyo Berbera. Meydadkan ayaa loo waayay talaagado lagu rido oo kaydiya si aanay u qudhmin,maadaama oo Qolka Meydka ee cusbitaalka ay taalo talaagad saddex khan ah oo qaadaysa saddex meyd oo qudha,waxaana markii danbe maamulka cusbitaalka ay dadaal u galeen inay ku cadaadiyaan intii ka joogtay ehelada dadkaasi dhintay ee qolka meydka yaalay inay dhakhso uga gurtaan,intaanu keeni ur,iyadoo la arkayay gaadiid markii danbe lagu daad guraynayo maydadkaasi,si loo dug.
Dhinaca kale,waxaa shalay iyana dhinacooda waday ciidamada Nabad galyada waddooyinka Somaliland oo waday dadaalo ay kaga dhalinayaan heshiisyo dhex mara ehelada gaadiidka dhacay iyo ehelada dadka ku dhintay,si loo faaruqiyo qolka meydka oo buux dhaafay. Inkastoo,maamulka cusbitaalka Hargeysa bilaabay dhismaha saddex qol oo kuwa meydka la dhigo ah,hadana waxaa shalay cusbitaalka ka dhacay ayaa ah mid boog ku noqonaysa guud ahaan xukuumada,waxaana laga rabay in hore looga sii kaashaanto in weel weyn loo sameeyo khasaaraha baaxada leh ee maalin walba ka dhalanaya shilalka gaadiidka,gaar ahaan meel lagu kaydiyo meydka,waxaana suurta gal ah in qaar ka mid ah meydadka cusbitaalka la keeno hore loogu waayo eheladiisii oo todobaado la raadiyo,taasina ay u baahan tahay in loo helo meel lagu sii hayo.