Real Madrid Oo Dooneysa Maldini-ga Cusub Ee Milan Mattia De Sciglio

Real Madrid Oo Dooneysa Maldini-ga Cusub Ee Milan Mattia De Sciglio
MADRID

Carlo Ancelotti iyo Real Madrid ayaa lagu waramayaa inay indhaha ku dhufteen Maldini-ga cusub ee AC Milan Mattia De Sciglio.
Sida ay qoreyso jariirada Spain ka soo baxda ee AS, Ancelotti ayaa u sheegay agaasimayaashiisa inay dalab ka gudbiyaan daafaca garabka ka ciyaara.
Isagoo noqday 21 jir bishii Ocotober, De Sciglio ayaa ku soo barbaaray akadeemiga Milan, waxaana uu durbaba sideed kulan u ciyaaray xulka qaranka Talyaaniga, halka uu sidoo kale filayo in loo kaxeeyo Koobka Adduunka.
Iyadoo inta badan lagu tilmaamo inuu yahay bedelkii Maldini, waxa uu ka ciyaari karaa daafac midig ama daafac bidix ama sidoo kale garab midig ama bidix ee khadka dhexe haddii loo baahdo.
Waxa uu la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan, waxaana uu maqnaanayaa muddo isbuucyo ah ka dib taakalkii xumaa ee uu kala kulmay Emiliano Insua kulankii ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Atletico Madrid ee Champions League.

Laaqalo