SADDEX MUDDALAB OO AMAKAAGAY MARKII MID KA MID AH MACAAMIISHU ADEEG AHAAN U SIIYEY $5000

(Salaanmedia.com) Thursday, February 14, 2014 17:30:46
MUDALAB

Muddalabiintan oo ahaa haween waxay magacyadoodu yihiin; Amay Sabani oo 25 jir ah, Sarah Seckinger oo 23 jir ah iyo Amber Kariolich oo 28 jir ah, waxaanay arrintan la kulantay iyagoo meel wada taagan, kana hadlaya biilkii oo ka go’ay iyo dugsiyo ay dhigan jireen
MUDALAB SADDEX

Saddex muddalab oo ka shaqeeya hudheel ku yaal magaalada Illinois ee dalka Maraykanka, ayaa fajaciso ay ku noqotay, kadib markii mid ka mid ah macaamiishu midkiiba shaxaad ahaan u siiyey $5,000.
Saddexdan muddalab waxay markii jeegga loo qoray ka wadahadleen lacagtii bilka gurigooda, dayn waxbarasho oo lagu lahaa iyo arrimo kale oo ku saabsan lacagta waxay ku samayn lahaayeen.
“Gabadh wanaagsan ayaa hudheelka soo gashay, waxaanay muddalabyadaas siisay midkiiba $5000 dollar,” ayey mareegta facebood ku qoren qoyska hudheelkan leh.
Muddalabiintan oo ahaa haween waxay magacyadoodu yihiin; Amay Sabani oo 25 jir ah, Sarah Seckinger oo 23 jir ah iyo Amber Kariolich
oo 28 jir ah, waxaanay arrintan la kulantay iyagoo meel wada taagan, kana hadlaya biilkii oo ka go’ay iyo dugsiyo ay dhigan jireen oo lacag lagu yeeshay, waxana aayar xaggooda u soo dhaqaaqday gabadh timo dahabi ah leh, kadibna waxay waydiisay magacyadooda, dabadeedna waxay u qortay jeeg lacagta baxaddaas leh ku qoran tahay.
Maamulka hudheelka ma uu sheegin, manuu garan gabadhaas, balse markii Sabani aragtay lacagta jeegga ku qoran, iskuna dayday inay gabadha siisay u celiso, haweenaydii way ku diiday, dibna way ugu soo celisay, waxaanay ku tidhi; “Waxaan hablahaw idinka doonaya inaad qaadataan si aad dugsiyadii waxbarasho ugu noqotaan, noloshiinana wax ugu qabsadaan. Waad qaadan kartaan oo jeebkiinna ayaad ku ridan kartaan. Ilaahay baa sabab iiga soo dhigay inaan idin caawiyo.”
“Waxaan ka shaqeeya laba shaqo, ilmo yarna gurigaan ku haystaa, waxaana laga yaaba inaan waqti badan ku lumiyo la joogistiisa, qabtana waxyaabo badan, noloshaydana horumariyo, waxaanan rajaynaya inaan lacagtaas oo kale maalin qof kale siin doono si uu wax ugu qabsado,” ayey tidhi Sabani oo ka hadlaysay waxyaabaha u qorshaysan ee lacagtan ay ku qaban doonto.
Mrs. Seckinger oo ka mid ah haweenkan waxay sheegtay inaanay haysan lacagtii ay ku bixin lahayd jaamacadda, gaar ahaan kulliyadda caddaaladda dambiyada.
Mulkiilayaasha hudheelka ayaa sheegay in gabadhan ay dhawr jeer meheradooda ku arkeen, laakiin aanay arag qof falkaas naxariistu ku dheehan tahay ku kaca muddo 30 sanno ah oo ay hudheelka ka shaqaynayeen.
Laaqaolo