Saddex Nin Oo Walaalo Ah oo Boobay Mishiin Lacagta Lagala Baxo Dalka Kuwait

Saddex Nin Oo Walaalo Ah oo Boobay Mishiin Lacagta Lagala Baxo Dalka Kuwait
SADDEX

Saddex wiil oo walaalo ah oo u dhashay dalkaasi Kuwait ayaa boobay machine da lacagta laga baxo ee dalkaasi Kuwait iyagoo gacanta ku dhigay lacag aad u fara badan intii aanu bileyska gacanta ku dhigin laba kamida wiilashaasi.
Saddexdan wiil ayaa wejigoodu daboolnaa kadibna jebiyey machine ka waxayna kala baxeen wixii lacag ah eek u jirtey,iyagoo markii dambena la baxsaday gaadhi ay soo xadeen.
Bileyska dalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba kamida wiilashaasi oo ay kamrada qabatay iyagoo madhiyey wixii lacag ah eeku jiray machine kaasi.
“midka mida wiilashaasi ayaa gaadhiga ku dhex jirey oo sugayey iyaga mana soo saari karno ninkaasi, markii lasoo xidhayna wuu diiday inuu joogay goobtaasi laakiin satellite ka iyo moobileda uu isticmaalay ayaa na tusaya inuu joogay goobta uuka dhacayey boobka,” wargayska maalinlaha ee kasoo baxa dalkaasi oo la yidhaah Al Anba, waxaa usheegay sarkaalka la yidhaah Abdul Rahman al Suhail.
Waxa uu sheegay sarkaalku inuu qirtey dambiga taasina ay keentay inla soo xidho mid kamida walaalkii halka kankalena weli la baadigoobayo.