Samir Nasri: Riber Ayaa Ku Guuleysan Doona Laacibka Ugu Wanagsan Sanadka Soo Socda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man City ayaa sheegay in xiddiga ay isku dalka yihiin Ee Frank Ribery uu ku guuleysan doono xiddiga ugu wanagsan aduunka sanadkan 2014 isagoo og in Ribery sanadkan laga guuleystay xilli uu soo galay kaalinta seddexad..
Soccer - Manchester City - Press Conference - Carrington Training Ground

Samir Nasri ayaa aaminsan in Frank Ribery uu awood u leeyahay inuu ku guuleysto FIFA Ballon d’Or 2014 hadii xulkisa France ay hantaan koobka aduunka, xiddiga Bayern Munich Frank Bilaal Ribery ayaa soo galay booska 3-aad codeyntii ka dhacday Zurich.
“waxan la hadlay Ribery fiidkii xaflaadi sanadkan, wuxuu ii sheegay wax yar ka hor, inuu ogyahay inuusan hanan doonin abaal marinta, sida cad wuxu ahaa mid niyad jabsan waayo wuxu u qalmay inuu abaalmarintas hanto, waxan u sheegay inuu weli fursad heysto sanad kalena uu sugayo iyo hadii aan ku guuleysano koobka aduunka inaysan jiri doonin cid ka xigta abaal marinta xilli ciyaaredka soo socda”

ayaa Nasri u sheegay RMC Sport.
“Ribery waa hoggaamiye wuxuna tusaale u yahay ciyaaryahano badan oo heerkan jooga awoodna u leh inay la tartamaan Messi iyo Ronaldo, waxa waajib ah inay tusaalo u noqoto ciyaaryahanada da’da yar Ee qaladadka sameeya waqti ka waqti ” ayuu hadalkisa ku soo gabagabeeyay Nasri.
France ayaa Group E kula jirta xulalka kala ah Switzerland, Ecuador iyo Honduras iyadoo uu Ribery kooxdisa ka cawiyay inay ku guuleysato ku dhawad 5 koob hadane nasiib uma yeelan inuu ku guuleysto abaal marinta FIFA Ballon d’Or.