Sarkaal Bileyska Japan Ka Tirsan Oo Is-Casilay Kadib Markii Uu Afar Askari Ku Ganaaxay In Midkiiba Cuno 15 Haam-Beegar Ah

image
Sarkaal sare oo bileys-ka Japan ka tirsan ayaa iska casilay shaqadii uu hayey kadib markii uu ganaaxay shaqaalihii ka hooseeyey oo uu ku ganaaxay in midkiiba uu cuno 15 hamburgers ah mar qudha isagoo ku adkaynaya iyaga.
Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ciidanka taraafiiga, da’diisana lagu sheegay 40 jir ayaa iskaga tagay booskii uu ka hayey Taraafiga magaalada galbeed dalkaasi ku taala ee aadka u qanisan ee la yidhiaa Osaka ee dalkasi Japan, kadib markii ay wargaysyada kasoo baxa dalkasi arrintaani aad u hadal hayeen sida uu qoray wargayska ka soo baxa magaaladasi ee la yidhaah Yomiuri Shimbun.
Si ku celcelis ah ayuu ugu amray afar dhalinyaro ah oo la shaqaysa isaga inay meel qudha wada fadhiistaan kadibna ku tartamaan sidii loo cuni lahaa 15 hamburgers ah midkiiba, waxaana intaa dheerayd afar saxni oo balbalaadhan oo ay ku jirtay baasta dhaadheer ah oo la shiilay, iyo 3-4 liter oo coffee-caano leh ah, sida ay sheegtay warbixinta.
“Markii uu gartay inaysan si adag u shaqaynayn ayaan ku amray inay cunaan cuntooyinkas si aan u ganaaxo iyaga” ayuu yidhi sarkaalkii mar la waydiiyay waxa ku kalifay kadib baadhitaan ay ku sameeyeen saldhiga bileyska ee magaaladasi ee Osaka dalkasi Japan.
Askartani ayay da’doodu u dhaxaysay 20-30 sano ayaa lagu qasbay inay cunaan cuntooyin kala duwan mar uu sarkaalka kusoo booqday xaruntooda shaqada, sida uu sheegay wargayska.
Wuxuu waydiiyay dhalinyaradan bileyska ah inay soo iibsadaan cunto iyo sharaab oo ay iska bixiyaan qarashka, kadibna ay ku cunaan jeelasha gudahiis isagoo halkasina ka daawan doona sida ay u kala dhakhsadeen.
Sarkaal ka tirsan saldhigaasi mar wax laga waydiiyay arrinkaas ayaa diiday inuu caddeeyo warbixintan ku saabsan in askartaasi lagu riday ganaaxan culus oo aanay qaadi karin.

Laqalo