Shaqaalihii Ajaanibka ahaa Ee Gacanta Ku Hayey Dhismaha Wadada Wadnaha Ee Magaaladda Hargaysa Oo Dalka Ka Baxay+Xukuumadda Oo Aan Weli Ka Hadal

Shaqaalihii Ajaanibka ahaa Ee Gacanta Ku Hayey Dhismaha Wadada Wadnaha Ee Magaaladda hargaysa Oo Dalka Ka Baxay+Xukuumadda Oo Aan Weli Ka Hadal Sababta Bixitaankooda

Hargaysa (Salaanmedia.com) waxaa gabi ahaanba istaagtay laba maalmood ka hor shaqadii ka socotay wadada halbawlaha ah ee lagu dayactiyay wadada dhexmarta caasimada hargaysa oo maraysay Hotel Guleed hortiisa.
LAAMI

Sida wararku sheegayaan in Shaqaalihii ajanabiga ahaa ayaa shaqadii joojiyay gabi ahaan , kadib markii lagula kacay mid kamid ah shaqaalahaa suuriyaanka ah tacadi kaga yimid askari ka tirsan ciidanka oo sida la sheegay ay is maandhaafeen oo markii danbe askarigii qori dabadii la dhacay ninkii suuriyaanka ahaa oo soo gaadhsiiyay dhaawac fudud, ninka suuriyaanka ah ayaa dhaawucu ka soo gaadhay waji oo la sheegay in uu dilaacay.
Shaqaalahan ajanabiga ah ayaa waxay u dhasheen dalka suuriya waxay ku dhawaaqeen in ay dalka iskaga baxayaan shaqadiina ay sidaa ku joojiyeen oo aanay sii wadi Karin wadada dhismaheega.
Dhanka kale wararka ayaa intaa ku daray in wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi cali xaaji xasan uu u tagay shaqaalahan tacadiga lagula kacay ee dhaawaca loo gaystay si uu ugu raali galiyo wixii dhacay ayna shaqadooda u sii wataan, laakiin may suurto galin in ay aqbalaan codsiga wasiirka waxayna ku adkaysteen in ay ku noqonayaan dalkoodii hooyo.
Dadweynaha reer hargaysa ayaa isweydiinayay waxa istaajiyay wadadii sida fiican u socotay oo mar kaliya la arkay agabkii iyo qalabkii oo wadada iska agyaala oo aan wadin wax shaqo ah.
Si kastaba ahaatee arintan ayaa ah mid lama filaan ah oo aan wali soo shaac bixin, waxaana ka sii daran arintan in shaqaalahan ajanabiga ahi ay markii hore diideen in ay tababar siiyaan shaqaalaha somalida ah ee hawsha la wada waxayna taasi keentay in ay is taagto shaqadii dhamaanteedba oo wax sii wada la waayay.