Sheeko Cusub: Ma Rumaysan Kartaa in Jiirku Mustaqalka Lo,da ka Weynaan Karo?

Sheeko Cusub: Ma Rumaysan Kartaa in Jiirku Mustaqalka Lo,da ka Weynaan Karo?
JIIRKA

(Salaanmedia.com) Wednesday, February 12, 2014 07:05:07
Jiirku waxa uu ka mid yahay xawayaanka Ilaahay abuuray kuwooda ugu yaryar, Ilaahaybaana og in xajmiga jiirku weligiiba ahaan doono inta uu hadda yahay iyo in wax iska beddeli doonaan, balse kooxo khubaro ah oo aqoon u leh cilmiga noolayaasha

Ilaahay (SWT) ayaa makhluuqaadkiisa midba si gaar ah u abuuray, waxaannu awoodaa inuu kolba sida uu doono u dhallan-gediyo karo makhluuqaadkiisa kala duwan, arrintaasoo ah awood Alle oo qudhi iska leeyahay, isaga oo qudha ayaana og waxa dhici doona qaybka iyo mustaqalkaba, iyadoo ay sidaas tahay, ayaa haddana waxa maalin walba adduunka korkeeda lagu maqlaa sheekooyin saadaal iyo malo-awaal ah oo laga bixiyo waxyaabaha dhici doona mustaqbalka, arrintaasoo loo adeegsado cilmiga casriga ah ee xilligan aadaamuhu ku tallaabsaday.
Jiirku waxa uu ka mid yahay xawayaanka Ilaahay abuuray kuwooda ugu yaryar, Ilaahaybaana og in xajmiga jiirku weligiiba ahaan doono inta uu hadda yahay iyo in wax iska beddeli

doonaan, balse kooxo khubaro ah oo aqoon u leh cilmiga noolayaasha, ayaa sheegay in mustaqalka la arki doono xawayaanka jiirka oo waxweyni iska beddeleen xajmigiisa, kaasoo la filan karo inuu ka weynaano xoolaha, gaar ahaan lo’da. Khabiir lagu magacaabo Jan Xalasiewicz oo ka tirsan Jaamacadda Leicester ee dalka Ingiriiska, ayaa daraasad uu sameeyey ku sheegay in mustaqbalka la arki doono xajmiga xawayaanka jiirka loo yaqaan oo aad isku beddelay, una kora si aan la filan karin, isagoo xusay aadamahu mar uun arki doono jiir leeg ama kaba weyn lo’da. “Xawayaanku way isbeddeli doonaan, wayna kori doonaan xilliba xilliga ka dambeeya, si ay ula qabsadaan cimilada is bed-beddelaysa si ay u sii noolaadaan, una tarmaan,” ayuu yidhi khabiirka ka tirsan Jaamacadda Leicester ee dalka Ingiriiska, isagoo xusay in jiirku ka mid yahay xawayaanka markasta la qabsada degaanka iyo cimilada ay ku jiraan, taasina ka ilaaliso inay dabar-go’aan. Ma jiraan caddaymo waaweyn oo khubaradda Ingiriiska ahi u dalliishadeen saadaashooda ah in xajmiga jiirku aad u kordhi doono, balse sida aragtidoodu tahay, waxay ku doodeen in mustaqbalka la arki doono jiir baaxadda lo’da oo kale leh, laakiin awooda iyo qadarku waa mid dhinaca Ilaahay ku qarsoon.

Ibraahim Khadar Siciid..