Shir-doceedyo u-jeedooyin kala duwan leh Oo Madaxweyne ku-xigeenku la Yeeshay Xubno Wasiiro ah iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada

Shir-doceedyo u-jeedooyin kala duwan leh Oo Madaxweyne ku-xigeenku la Yeeshay Xubno Wasiiro ah iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada
SAYALICCCi

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa la sheegay inuu xalay shir-doceedyo u-jeedooyin kala duwan gurigiisa magaalada Hargeysa.

kula yeeshay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeya, xubno ka tirsan Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Dr. Cabdi Aw-daahirWasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada ganacsiga Cabdi Xariir, wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaalle iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee, waxaana ka mid ahaa mudanayashaas Axmed Yaasiin, Cali Gabiley iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne ku-xigeenka Saylici. Isla markaana waxa la tilmaamay in kulan lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay in Wasiir walba u yeedho Xildhibaanadii xisbiga KULMIYE ee beeshiisa ah kaga jira Golaha Wakiilada. Sida Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay xalay Wargeyska Ogaal u sheegeen, ayaa intaas wararka ku daraaya in shirkaas fiidnimadii xalay ka dhacahay guriga Saylici salka ku hayey sidii loogu yeedhilahaa xildhibaanada Golaha Barlamaanka ee ku abtirsata xisbiga Kulmiye, kaas oo la sheegay in madaxweyne ku-xigeenka Saylici taageero ku doonayo,kuna xoojinaayey awoodiisa musharaxnimo ee KULMIYE. Waxa kale oo xogahan helay sheegeen in Madaxwyne ku-xigeenka, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiir Xirsi carabka ku dhufteen in olole xoogan wadaan hoggaamiyaasha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed, lagana qabo tuhun iyo in cidhiidhi-gasho camacooda Siyaasadeex ee Xisbi-xaakimka Kulmiye, madaama labadooduna quud-daraynayaan inay hantiyaan mar labaad Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka KULMIYE. Iyagoo xogahana sheegayaan in xalay iyo shalayglab ay meelo badan oo ka mid ah guryo iyo gooba kale oo ku yaala Hargeysa, ka socdeen shir doceedyo iyo kulamo xasaasiya oo ujeedo badana oo qaarkood wasiirka maaliyada iyo Wasiirka madaxtooyadu deg-deg u abaabulayaan, balse waxay ilo-wareedyadu intaas ku dareen in garabka ay hoggaaminayaan Madaxweyne ku-xigeenka Saylici, Wasiirka Maaliayada iyo Xildhibaan Waabeeya doonayaan inay ka taqalusaan labada kornayl. Waxaana la sheegay in kulankaas Xildhibaan Waabeeye ka sheegay inay Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin ay doonayaan inay hoggaanka xisbiga Kulmiye ku hantiyaan qaab qabiil oo isu-baahaystaan. Sida kale Ilowareedyadu waxay sheegeen in Wasiirka Dr. Cabdi Awdaahir uu shirkaas ka sheegay in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay ummadda boqolaal sanno la soo hortaagan yihiin waanu u soo halganay xisbiga KULMIYEM, laakiinse taasi ahayn mid ka soconaysa xisbiguna yahay mid ummaddu leedahay ee inta ay waxaas iska dayaan waa inay shirka qabtaan oo calafkooda ka qaadaan, kaas oo tilmaamay in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin sababta ay shirka u qaban wayeen ay tahay inay ka baqayaan inay ku guul-daraystaan hoggaaminta xisbiga Kulmiye. Hase yeeshe waxa jira wax kala riixasho iyo guux badan oo gudaha kulmiye iyo Golaha wakiilada ka socda iyadoo warar kalena sheegayaan inay jiraan kulano kale iyo abaabul ka socda hoggaanka xisbiga, lamina oga halka ay ku dhamana doonto khilaafka hadheeyay hoggaanka xisbigaas.

Laaqalo