Tiradii Uugu Badnayd Ee Soomaali ah Oo Laga Soo Tarxiilay Dalka Sucuudiga

Tiradii Uugu Badnayd Ee Soomaali ah Oo Laga Soo Tarxiilay Dalka Sucuudiga
Tarxiilkii

Mus 1
Hargaysa(Salaanmedia.com)-Waxaa Jimcihii iyo Sabtida maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degay laba diyaaradood, oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo daabulay Wadanka Sacuudiga.

Boqolaal ruux oo shalay ka soo degay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay xalay ku hoydeen Garoonka, iyadoo ay dadkaasi ka soo kala jeedaan Gobolada Wadanka, laguna wado in maalmaha soo socda ay u amba baxaan.
Dadka la soo tarxiilay ee ka soo degay Garoonka Aadan Cadde, ayaa maanta deeq ka kooban lacag iyo raashiinba, waxaa u qaybisay Marwada 1-aad ee dalka Sahra Cumar Xasan.

Must 5
Mus 2

Marwada Madaxweynaha, ayaa waxay shakhsi kasta ay siisay lacag dhan boqolka dollar ee Mareykanka, si ay dadkaasi ugu gaaraan Deegaanada, ay ku wajahan yihiin.
Tarxiile-yaasha ay eheladoodu deggan yihiin Magaalada Muqdisho, ayaa waxay iyagu isaga soo baxaan Garoonka, waxayna ku deggaan eheladooda ku dhaqan Caasimada.
Must 55
Must 5

Laaqalo