Uefa Oo Baareysa Weerarkii Uu Pellegrini Ku Qaaday Garsoorihii Kulankii Barcelona.

Uefa Oo Baareysa Weerarkii Uu Pellegrini Ku Qaaday Garsoorihii Kulankii Barcelona.
UEFA

Xiriirka kubada cagta Yurub ayaa ku dhawaaqday inay baareyso hadaladii weerarka ahaa ee uu tababaraha Manchester City Manuel Pellgrini ku qaaday garsoorihii dhexdhexaadinayay kulankii ay guuldarada 2-0 ka soo gaartay Barcelona.
Pellegrini ayaa sheegay in garsooraha uusan dhex dhexaad ahayn wuxuu kaloo sii raaciyay in ka hor qaladkii Demichelis in Busquets uu qalad ku galay Navas garsooraha oo u jira wax ka yar 3 mitir, isagoo aad uga soo horjeestay rigoorada loo dhigay Barca.
Pellegrini oo waraysi siiyay ka dib ciyaartaas Sky Sports ayaa yiri: “Waxaan shaki ka qabaa garsooraha kaliya ma ahan rigoorada laakiin waa kaarkii gaduudnaa ee uu u taagay Demichelis, marka la isku soo wada duubo ciyaartoo dhan ma aanan dareemin in garsooraha uu dhex dhexaad yahay, wax walba dhanka Barcelona ayuu ka dhigay.
“Wuxuu tilmaamay in ciyaarta lasii wado iyadoo Busquets uu qalad ku galay Navas laakiin ma uusan xisaabin qaladkaas waliba isagoo u jiray 3 tilaabo, sidoo kale Qaladkii Demichelis wuxuu ahaa banaanka hore ee diilinta ganaaxa.
“Iyadoo qaladaadkaas dhan ay jiraan hadana aad la ciyaarayso koox wayn oo sida Barcelona oo kale ah way adagtahay inaad guulaysato, waxaan isku dayi doonaa inaan guul ku gaarno Camp Nou horay ayaan midaan oo kale ugu samaynay Bayern Munich kadib markii ay nooga badiyeen garoonkeena”.
Uefa ayaana hadaladaas u aragta mid xadgudub ku ah sharafta garsoorihii kulankaas waxaana ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan taasoo keeni karta in dacwad lagu soo oogo Pellegrini islamarkaana ka ganaaxo.

L Q L