Wasaaradda Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer Oo Ay Dul Hogonayso Fadeexado Salka Ku Haya Hawlgalkii Tallaalka

Burco(Salaanmedia.com)- Maamulka Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer Ayaa Musuq Maasuq Baahsan Ka Gaystay Talaalkii Dhawaanahan Ka bilaabmay Gobolka Togdheer.
kaasoo Ay Bulshadu Ka Biyo diiday.
Cabdi Yaaiiiin

Madaxda Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka togdheer aya noqday masuuliyin ay dul hoganayaan eedaymo ku saabsan musuq maasuq baahsan oo la xidhiidha gaadiidka loo qorsheeyey inay ka hawlgalaan Goobaha Laga Fulinaayo Talaalka DHalaanka Iyo Hooyadda,Oo ay tibaaxeen ilo xog,ogaal Ahi in lagu qoray gadiidkaasi garasho iyo eex aan loo Meel dayin. Sidoo Kale Dawooyinka Loo Qoondeeyey xarumaha Caafimaadka Gobolka Ayaa AH kuwo Uu Ka Muuqdo Musuq Maasuq Iyo Mad,madaw Faro Badan Qaabka Loogu Qaybiyey Xarumaha Caafimaadka Tuulooyinka Iyo Degmooyinka Gobolka,
Cabdi Yaaiiiin

Waxaa Kaloo Jira Tabashooyin Ka Imanaaya qaar Ka mid ah hawl Wadeenada Caafimaadka oo ay Ka qaaday Haayada Shaqaaluhu imtixaan lagu qiimaynaayo Aqoontooda caafimaad, kuwaas oo tilmaamay inay si toos u soo fara galiyeen masuuliyiinta wasaarada caafimaadku oo meesha ka saaray qaar ka mid ah shaaqaalihii ku guulaystay imtixaankaasi. Qaar Ka Mid ah degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Togdheer ayaan Haba Yaraatee lahayn xarumo caafimaad iyo shaqaalo si joogta ah uga hawl gala degmooyinkaasi. Wasaarada caafimaadka ee gobolka oo ah wasaarada loogu baahida badan yahay wasaaradaha gobolka ayaa mudooyinkii ugu danbaysay noqotay Mid ay Gabaabsi Noqdeen Adeegyadii ay u fulin jirtay Bulshada gobolka, eedaymahani Culus ee Dusha Looga Tuuray Maamulka Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer ayaa kusoo beegmaya xili ay Bulshada ku Dhaqan Magaalada Burco Ay is waydiinayaan sababta keentay ianay gaabis noqdaan adeegyada wasaarada caafimaadka ee gobolka togdheer.

L Q L