Wasaradda Cafimadka Togdheer Oo Soo Gaba-Gabaysay Talaalka Hooyada iyo Dhalaanka Oo Socday Muddo Todoba Cisho ah

Burco (Salaanmedia.com) Talaalka Hooyada iyo Dhalaanka Oo Todabadi Cisho Ee u Danbeyayba ka Socday Gobalka Togdheer ayaa Maanta si Rasmiya Loo Soo Gaba-Gabeyay Talalkaasi.
TALAAL 1

Talaalkani Oo isagu ka Koobnaa Cudurada Jadeecada,Booliyadda,iyo Beer Xanuunka ayaa Waxa Uu ka Socday 150 Tuulo Oo Ka Mid ah Tuuloyinka Hoos Yimada Gobalka Togdheer.

Waxaana Talaalkani ka Qayb-Qadanayay 150 Team Oo u Kala Baxay Dibada iyo Gudaha Magalada Burcaba.

Madaxa Fayo-Dhowrka Gobalka Togdheer Dr: Faarax Cali Dalmar ayaa isagu Fahfahin ka Bixiyay Muhiimada Uu Talaalkani u Leeyahay Hooyadda iyo Dhalaanka.

ayaa Waxa Hadalidisii ka Mid ahaa Sida Tan ” Haddii Aanu Nahay Masuliyinta Wasaradda Cafimadka Gobalka Togdheer Waxaanu Soo Gaba-Gabaynay Talaalka Hooyadda iyo

Dhalaanka Oo Maalmihii u Danbeyayba ka Socday Gobalka,ilaahay Mahadii si Fiican ayuu Noogu soo Dhamaday,Waxaanan u Mahad Naqaynaa Cid Kasta Oo ka Qayb-Qaadatay Ololaha Talaalkani Oo Runtii ah Mid Faido Badan u Leh Hooyadda iyo Dhalaanka,Talaalkani Sanadkiiba Waxa la Fuliyaa Sadex Jeer,Waxaanan Ugu Baaqaya Bulshada Gobalka Togdheer inay Door kasta ka Qayb-Qaatan Ololaha Talaalada Noocani Oo Kali ahi” Ayuu Yidhi Dr: Faarax Cali Dalmar

Si Kastaba ha ahatee Talaalkani Loogu Talo Galay Hooyada iyo Dhalaanka ayaa isagu ah Mid Sanadkiiba Sadex Jeer Oo Kale Duwan la Qabto.

L Q L