Wasiir Cadaani Oo Burco Ka Wadda Olole Dhalinyaradda Leysaga Horkeenayo+Shirar Qarsoodi ah Oo Uu Qabtay

Wasiir Cadaani Oo Burco Ka Wadda Olole Dhalinyaradda Leysaga Horkeenayo+Shirar Qarsoodi ah Oo Uu Qabtay
cadaaaani_257_250

Burao (Salaanmedia.com)_Wasiir Dawlaha maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)
ayaa maalmihii u danbeeyay magaalada Burco ee
xarunta gobolka Togdheer ka waday ,Mashruuc uu soo qaatay oo uu iskaga horkeenaayo dhalinyaradda Magaaladda Burco.
Mashruucan Fidmadda ah ee Cadaani wato oo sida ilo lagu kalsoonyahay xaqiijiyeen ay soo bixisey xukuumaddu ayaa loogu talogalay in layskaga horkeeno dhalinyaradda Walaalaha Ah Ee Kuwada Nool Magaaladda Burco si loo kala jabiyo Xildhibaanadda Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland taageersan Cabdiraxmaan Ciro ,isla markaana indhaha dadka reer Somaliland iyo dareenkoodaba lagu jaheeyo Rabshado Burco ka qarxa ,si looga leexiyo Xaaladda Golaha wakiiladda ee Xukuumadu wado.
Qandaraaskan iska horkeenka Caruurta oo uu hore ugu fashilmay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa hada Xirsi usoo cumaamaday
Wasiir Dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi saxardiid oo inta uu caruurtiisii soo dhigtay dalka debediisa usoo tafo xaytay sidii uu
dhalinyaradda reer Burco madaxa isku galin lahaa ,waxaanu maalmihii u danbeeyay Munaafaqaddan ka waday Dugsiyadda Magaaladda Burco iyo Kooxaha Kubadda Cagta.
Mida kale ku darsoo Lacag gaaraysa $ 200’000 Doolar oo Qandaraaskan lagu talogalay ayaa la sheegay in Wasiir Cadaani ka soo qaaday Laba cisho ka hor Xawaaladda ,taasi oo ay soo dhigtay Xukuumaddu si Burco looga rido dagaal Sokeeye (Civil-war) ,inkastoo aaney taasi suuro galin isla
markaana reer Burco ay fahansan-yihiin ,loogana baahanyahay in ay deg-deg uga hortagaan .
Geesta kale Wasiir Dawle cadaani iyo Kooxo Budhcad ah oo waxmagarato ah ayaa habeen Sedexaad shir ku qabtay Guri ku yaala Bariga Fog ee Magaaladda Burco ,halkaasi oo ay ku go’aaminayeen sidii Dhalinyaradda Burco layskaga horkeeni lahaa gaar’ahaan galbeedka Burco ,isla markaana mashruuca Xukuumaddaloo meel-marin lahaa .
waxaana jira Kooxo Qalab-ciyaareed iyo Lacago loo qaybiyay oo mashruucan fulinaaya ,kuwaasi oo Burco ku sugan isla markaana ,bulshadda reer Burco ayaa looga baahanyahay in ay Bambadan Cadaani Qasriga madaxtooyadda looga soo dhiibay iska qabtaan ,si loo fashiliyo Munaafaqaddan
Xukuumadda.
Mashruucan arbushka ah ee Cadaani wado ayaa maalmihii u danbeeyay si weyn looga dareemay magaaladda Burco ,kaasi oo ay dadweynuhu ku
sheekaysanayeen.

L Q L