Wasiirka Arrimah Gudaha Oo Ku Eedeeyay in Dawlada Hoose ee Hargeysa ku fashilantay in Qashiinka ka nadiifiso Caasimada

Wasiirka Arrimah Gudaha Oo Ku Eedeeyay in Dawlada Hoose ee Hargeysa ku fashilantay in Qashiinka ka nadiifiso Caasimada

Warancade

Hargeysa, 06 Feb 2014 (Salaanmedia.com)- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ku dhalliilay dawlada hoose ee caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka gaabisay inay khashinka ka nadiifiso waddooyinka iyo magaalada. Isla markaana waxa uu sheegay in ayaan-darro tahay meeshii lacagta badan dawladu galisay ee quruxda badnayd todoba cesho gudahood ciid qariso, kaas oo
tilmaamay inta u dhaxaysa Tiyeetarkii hore ee Hargeysa iyo ilaa bangiga (Bank), dhexe la dhigaayo marmar. Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay hadalkan ka sheegay mar uu kormeer ku marayey dib-u-habayn lagu wado waddada cad oo la marinaayo istaanka ay ka baxaan baabuurka u kala goosha Hargeysa iyo Burco, waxaanu yidhi, “Waxa ayaan-darro ah in meeshii lacagta intaas leeg la galiyay todobaad ka bacdi in camuud-dulmarto oo siddeedii hore iyadoo quruxdeedii la aasay oo xitaa qofka sameeyay aanu kefekarayn ciida ka dulqaad. Waxaan halkan ka soo jeedinayaa maanta waddooyinka waa la nadiifinayaa, waxaana u sheegayaa shacabka in laga bilaabo Tiyeetarka Hargeysa iyo ilaa bangiga dhexe la dhigaayo marmar noocon ah oo dhinac walba u socda.” Wasiirku waxa kale oouu shacabka ugu baaqay inay subax-walba waddooyinka magaaladooda ka xadhaan khashinka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaanu dawlada hoose iyo dad weynaha ka codsanaynaa in subax walba la xaadho waddooyinka, waxaana loo baahan yahay magaalo nadiifa oo qurux badan. Waxaynu lacagta badan galinay, haddii aynu xashiishka iska xaadhi-kariweyno soo ayaan-darro maaha. Waxa dhakhso loo keenayaa meel aad khashinka aad ku ridaan oo wadooyinka ah. Waxaana loo baahan yahay inaad qalbiga aad u sii daysaan cashuurta oo aad bixisaan, laakiin waa nasiib-darro in dawladii hoose ku fashilanto in magaalada xashiishka ka nadiifiso.

Xigasho Ogaal