Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglatoosiye Oo Safar Shaqo Ku Jooga Gobolka Sool.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglatoosiye Oo Safar Shaqo Ku Jooga Gobolka Sool.
Xaglooo

(Salaanmedia.com)_Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Sool iyadoo qaybaha dadweynaha ee Gobolkaasi ay si balaadhan ugu soo dhoweeyeen Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Caafimaadka oo kormeerkiisu qayb ka yahay socdaaladii uu ku marayey gobolada dalka oo ah socdaalo ku saabsan xog ogaal u noqoshada xaaladda caafimaad ee Gobolada dalka ayaa lugtiisii ugu horaysay ee socdaalkiisa Gobolka Sool waxa uu ku tegay degmada Yagoori, isagoo booqday xarunta MCH-ka ee xanaanada hooyada iyo dhalaanka ee magaaladaasi isla markaana la kulmay waxgaradka iyo maamulka degmadaasi, intaa ka dibna waxa uu u sii gudbay deegaanka adhi-cadeeye oo uu dhagax dhigay MCH cusub oo halkaasi laga hirgelin doono.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Dr saleebaan Ciise iyo weftigiisu markii ay gaadheen xarunta gobolka Sool ee laascaanood waxaa soo dhoweeyey boqolaal dadweyne ah oo si balaadhan oo kaga hor yimid duleedka magaalada, isagoo markiiba gudo galay hawlihii uu u socday.
Wasiirku waxa uu kormeer ku tegay cisbitaalka dhexe ee Magaalada laascaanood oo uu qol-qol u galay, halka sidoo kalena uu booqday Mac-had-ka barashada aqoonta caafimaadka oo dhismihiisu ka socdo magaaladaasi.
Wasiirku waxa uu kulan balaadhan la yeeshay madaxda gobolka Sool,kuwa degmada, waxaanu war-bixin ka dhegaystay masuuliyiinta caafimaadka gobolka.
Dr Saleebaan Xaglatoosiye waxa uu ku wargeliyey bahda caafimaadka ee Gobolkaasi inuu dhowaan samayn doono guddi caafimaad oo ka hawlgeli doonta horumarinta caafimaadka ee Gobolka Sool.

Laaqalo