Wasiirka Madaxtooyada JSL oo bulshada ugu baaqay In la taageero dhismaha wadooyinka isla markaana aan Waddooyinka la Kala Qabyaaladayn

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo bulshada ugu baaqay In la taageero dhismaha wadooyinka isla markaana aan Waddooyinka la Kala Qabyaaladayn
1XIRSI_257_250 (1)

Hargaysa: (Salaanmedia.com)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ahna Guddoomiyaha guddida dhismaha jidka isku xidhaya gobollada Togdheer iyo Sanaag, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlayey Munaasibad lagu soo bandhigay Qaadhaan, Qalab iyo kharash wixii soo gaadhay Gudida Qaadhaan Ururinta Jidkaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ku talo-galkooda ah sidii ay u hirgali lahayd waddadaasi oo muhiim u ah isku socodka, waxaanu sheegay inay dhawaan bilaabayaan.
“Waddooyinka reer Somaliland u socda oo dhami waa horumar, aad-baanu ugu bogaadinaynaa guddiyada kala duwan ee ka shaqeynaya, qof walowba waddada kuugu dhow ee aad ka qayb-qaadan karto ka qayb-qaado, wixii aad ku biirin karto ku biiri, waayo xagga ILAAHAYNA waa sadaqad, waxba ma tarayso inaynu Waddooyinka kala qabyaaladayno, laakiin haddii aynu ku tartamayno wanaagga oo qolaba qolo kale ka dheeraynayso ceeb maaha”
Wasiirka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaal la xidhiidha waddooyinka dalka iyo sida loogu baahan yahay in shacabku guddo iyo dibadba ka qayb-qaataan, halka uu fariin gaar ah u diray muwaadiniinta gudaha iyo dibadda ee tabarucaadka ballan-qaaday.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Haddii Allaha Awoodda lihi ogolaado waanu bilaabaynaa Waddadii, waxaanu ugu talo-galnay in 100KM ee ugu horeeya ay dawladdu kharashkeeda bixiso oo Miisaaniyadda ugu jirta, inta kale ee Tabarucaadka looga jarayo shaqaalaba, qalabkeeda iyo tabarucaadka kale inay ku baxayso, qalabkuna intan oo kaliya maaha ee waxaanu sugaynaa Mishiinkii isku darayey jayga iyo Daamurka iyo tii dhigaysay (oo la mid ah ta imika waddooyinka casriga ah samaynaysa) iyo karashar weyn, markaa iisha Allaah waxay ina soo gaadhayaan qalabkaasi, inta aasaaska waddada ay ka shaqeynayaan (qalabka la keenay), markaa kharashkii waddada loogu talo-galay waa (shan Milyan, boqol iyo Sagaal kun) oo ah wax gacanta lagu hayo iyo wax la sugayo, sidoo kale kharashka gudaha laga ballan-qaaday waa (saddex boqol iyo soddon kun), Muwaadiniinta dibadda oo aanu ka codsanayno inay ku soo dhaqsadaan sida ugu macquulsan waa (7 Milyan iyo 450 Kun oo Doollar), waanuna ka sugaynaa”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu jecelahay qoladii reer Ceerigaabo ee waddada sugaysay ee ballan-qaaday xoolaha faraha badan ee dhow 30 ilaa 40 Kun, inay xoolihii iska ururiyaan sidii ay ballan-qaadeen, waxaan u maha-naqayaa beesha bariga Hargeysa (Isaxaaq) ee ballan-qaaday lacagta ah $ 100.000 kun ee doolar (boqolka kun ee doolar) iyo 1,200 oo neef, oo ILAAHAY ha barakeeyee intay iyagu is urursadeen noogu yeedhay, oo yidhi waxaanu diyaarinaynaa 1,200 neef iyo $ 100.000 doolar, aad-baan uga mahad-celinaynaa dedaalkaa iyo garashadaa ay la yimaadeen…markaa in waddadani samaysmayso aad ayaanu ugu niyadsanahay, waxaanuna rejaynaynaa intaanu lixdaa Milyan ku sii wadno inay inta kalena na soo gaadho” ayuu yidhi,
“Waxaanu diyaarinay sharcigii waddooyinka oo qoran oo aanu baarlamaanka u gudbin doonaa, waxa aanu hore u gudbinay sharcigii takaaliifta oo aan ahayn sanadkan oo kaliya ee sanad walba waajibinayey afartaa Milyan ama wax ka badan oo noqon doona dhaqaale joogta ah oo u socon doona si waddooyinku u hirgalaan, waxaanu diyaarinay qorshihii oo aanu gacanta ku hayno, nagana caawinayaan hay’ado caalamiga, siday noogu ballan-qaadeen, kaasi oo ah qorshaha guud ee waddooyinku dalku yeelanayaan, maxaa laamay noqonaya, maxaa jid cadde noqonaya..” ayuu yidhi, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

LAAQALO