Wasiirka Madaxtooyada Oo Munaasibad Shakiga Lagaga Saarayo Qurba-Joogta Iyo Dadkii Ka Qayb-Qaatey Qaadhaankii Waddada Ceerigaabo Habeenkii Xalay Ahaa Ku Soo Bandhigay Magaalada Hargaysa

Hargaysa(Saalaanmedia.com) Feb.24. 2014-Munaasibad lagu shaki saarayey Qurba-Joogta iyo gabi ahaan dadkii ka qayb qaatey Qaadhaankii loo ururinayey dhisitaankii Waddada Ceerigaabo ayaa habeenkii Xalay ahaa lagu qabtay Magaalada Hargaysa.
HIRSIII

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Munaasibadan uga faa’idaysanayey sidii uu isaga faydi lahaa madmadowgii mudooykii udanbeyey hadheeyey lacagtii loo ururinaayey dhisitaanka Waddada Ceerigaabo oo si’aada loogu eedeeyey in loo isticmaalay lacagtaas olalihii dabada lagaga riixayey Mooshinkii Sanka Caana ka keenista ee dhicisoobay kaasi oo ladoonayey sidii kursiga looga Mija-xaabin lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi laahi (Cirro).
Munaasibadan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada, Xubna Wasiira ah oo iyaguna ka agdhaw Wasiirka Madaxtooyada, Maareeyaha Haayada Shaqaalaha, Qurba-Joog iyo Shaqaale ka socday madaxtooyada ayaa halkaasi lagu soo bandhigay halka ay marayso qadhaan ururintii wadooyinkaasi.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa si aada u buunbuuniyey qaadhaanka hada ay gacanta ku hayaan waxaana uu sheegay qaadhaankani uu gaadhaayo Shan milyan oo Dollarka Maraykanka ah, waxaana uu sida oo kale uu halkaasi ku soo bandhigay Gaadiid Cagafcafyo ah, ku waasi ahaa Gaadiid aad u duug ah oo uu sheegay in ay ka soo iibsadeen dalka Jabuuti balse aan lagaranayn sababta loo soo iibsaday Gaadiidkan daalay ee duuga ah
Waxaa iyaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay xuno wasiira ah oo wasiir xirsi ka agdhaw ayaa iyaguna isku dayayey sidii ay Qurba-Joogta halkaasi timid ugu qancin lahaayeen qalabka iyo qadarka lacagta ah ee ay hayaan.