Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Wefti Uu Hogaaminayey oo Kormeer Shaqo ku Tagay Jidka Tog-wajaale Iyo Kalabaydh

Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Wefti Uu Hogaaminayey oo Kormeer Shaqo ku Tagay Jidka Tog-wajaale Iyo Kalabaydh

Xirsi-Iyo-weftigiisa (2)

Hargaysa(Salaanmedia.com)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Xirsi CalI Xaaji Xasan Iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maareeyaha Wadooyinka Somaliland (RDA), Prof: Xasan Cali Cismaan, Xildhibaano ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gabiley ee Golaha wakiilada iyo maamulka gobolka Gabiley oo ay horka-cayaan Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Iyo Maayarka Degmada Gabiley Ayaa maanta waxay kormeer ku soo galaabixiyeen Wadada beryahanba socotay ee kala baydh ilaa wajaale oo maanta la dhamaystiray 2KM oo ka mid ah halka 4 KM oo kalena loo diyaariyey in la shubo isla beriba iyada oo wadada la gaadhsiiyey Duleedka Wajaale oo la baro sidii balanku ahaa in-inta bishan ka dhiman lagu dhamaystiro.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ugu Horeyn Ka Hadley Hawsha Waddada Iyo Halkay Marayso Wuxuu Yidhi:
“Wadadii Wajaale waad arkeysaan, oo wax ciidii ay taalo oo cagafyadii ay garaacayaan oo indhihiinu hayaan iyo wax laameydii la dhigay weeyaan laba Kiiloo Mitir ayaa jira hada wax aan sameysneyn labadaa kiiloo mitir iyo insha allah inta dhimanba feebarwari dhamaadkeeda sidii aanu balanqaadney in ay dhamaan doonto meel fiican bay mareysaa kutalagalkii sidii aanu ugu tala galneyna wey usocotaa Shacbiga Somaliland ee ka qeyb qaatey iyo waxaan u mahad naqayaa Wasiirka Maaliyada iyo Xildhibaanada wehelinaya”
Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Isaguna Geestiisa Hadal Kooban ka Jeediyey Kormeerkan Waxaanu Yidh:
“Wasiirka Madaxtooyadu runtii isagaa u qaabilsan howsha Dhismaha Wadooyinka, mar kasta oo aanu nimid mar walba waxaanu u nimid iyado intaas oo kiiloo mitir la dhameeyay, insha allah aadbaanu ugu faraxsanahay balanqaadkii Madaexweynaha iyo Xukuumada oo sidoodii u fuley wax lagu farxo weeye, dhanka kale Wasaarada Maaliyaduna dorkeedii ayay ka qaatey sidii loogu talagaley aad baan ugu faraxsanahay,Doraad waxaan tagey Berbera run ahaantii wadada Berbera iyo halkay mareyso iyo sida loo hagaajiyay qof kastaaba wuu ku farxayaa”
.Tan Iyo Intii hay,adda wadooyinka la hoosgeeyey wasaaradda madaxtooyadda waxaa si xawli ah u socda hawlaha lagu harimarinayo wadooyinka dalka Taasi oo bulsho weynta reer Somaliland uuga mahadcelisay wasiirka madaxtooyadda waxqabadka muuqda Ee uu Hirgeliyey.

Laaqalo