Wasiirka Madaxtooyadu Lacagtii Loo Uruuriyay Wadada Ceerigaabo Ayuu Kula Dagaalamayaa Golaha Wakiilada……Guddoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Swedan

Wasiirka Madaxtooyadu Lacagtii Loo Uruuriyay Wadada Ceerigaabo Ayuu Kula Dagaalamayaa Golaha Wakiilada……Guddoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Wadani Ee Swedan
Swedan

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga Wadani u qaabilsan Dalka Sweden Mohamed Xidig ayaa ku eedeeyay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan in aduunkii loogu talo galay in lagu dhiso Wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Ceergaabo iyo Burco uu ku burburinayo Golaha Wakiilada Somaliland.

Lacagtii Contribution-ka ahayd Ee loo Uruuriyay Wadada Ceerigaabo iyo Burco isku Xidha,Oo loo adeegsaday burburinta Haayada Sharcidejinta(Golaha Shacabka) iyo khal khal-gelin nidaamka dawlad-nimo, Sida aanu ku hayno Xog sugan,dadlooga qaateen ah iyo Xildhibaano ka mida golaha Wakiilada iyo Guurtida Jamhuriyadan qaadhay Ee Somaliland, iyo qaar ka mida shaqaalaha dawlada ayaa noo xaqiijiyay in lacag Xadigeedu

dhan yahay 650-000 Oo doller Oo ah lacagtii Qurbojoogta iyo Gudajoogtu ugu deeqday Wadda Ceerigaabo oo Uu Xirsi X.Xasan Wasiirka Madaxtooyadu u adeegsaday sidii Khal-Khal loo galin lahaa Baarlamaanka Isla Markaana Gudoomiye C/Raxmaan Cirro Meesha uga soo tuuri-lahaayeen.Sidaasna waxa uu ku sheegay war saxaafadeed uu soo gaadhsiiyay Shabakada Hadhwnaagnews, waxaanu u dhignaa sidan

hadaba waxa layaab ku noqotay shacbiga reer Somaliland Wiilkan Xirsi Oo Isticmaalaya awoodii Madaxwaynaha ayaa wuxuu isku dhereriyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Islaha Markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani Somaliland Nationalparty.

Wasiir Xirsi ayaa habeen dhawayd Wadanka UK Magaalada Liverpool wuxuu kula kulmay Taageerayaal Oo Badan deegaankiisa,isla goobtaas wuxuu ka jeediyay Khudbadii Caanaha Riyaha iyo Subaga Idaha iyo Oday Adeerkiiya Oo Islaamo la legdami jiray.

Goobtaas waxa fadhiyay Madax-waynaha Jamhuriyada SLND Mudane Siiraanyo lkn nasiib daro sheekadaba lamuu socon Oo wuu yara baxsanaa,Kelmadaas Xirsi kula dul kufay Gudoomiyaha Wakiilada iyo 2dii Gudoomiye ku xigeen ayaa waxay aad u damaqday dadka wax garadka ah Ee Beesha Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ( Xirsi Cali Xaaji Xassan ka soo jeedo,iyo dhamaan Muwaadiniinta Reer Somaliland.Hadaba nasiib wanaag iyo nasiiib tay toonto ha noqotee lacagtii Xirsi Isticmaalay waxba way ka bedeli Wayday Mabda-ii Baarlamaanka,Oo waxay Kalsoonidoodii Siiyeen Gudoomiyahooga,waxa kale Oo xusid Mudan in labdii Gudoomiye ku Xigeen Ee In badan ka maagaayay in ka soo xaadiraan golaha dhexdiisa in ay Maanta si kedis ah ku soo fadhiiisteen Baarlamaanka dhexdiisa iyagoo Fadhiistay qaybta loogu talo galay Martida Markii lagu qayliyayna soo fadhiistay Xildhibaanada dhexdooda.

Hadaba miyaanay ahayn sheekada Xirsi.

Baaluq buu ismoodaa haduu ruux buuryo goys-yahaye.

BY Mohamed Xidig,

Gudoomiyaha Dhalinyarada Xisbiga Waddani Ee Sweden.