Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Oo Joojiyey Miisaaniyadii Telefeshinka Qaranka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Oo Joojiyey Miisaaniyadii Telefeshinka Qaranka Somaliland.
opp

Hargeysa(Salaanmedia.com) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Xayiray miisaaniyadii Tv qaranka ka dib markii khilaaf ba’ani uu ka dhex curtay shalay Wasiir Cukuse iyo mareeyaha Telvishanka Khadar Cali Gaas.

khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib shalay markii uu maareeyuhu saxeexa lacag dalbashada musharka ka saaray Wasiirka oo hore saxeexa ugu lahaan jiray Taasi ayaa waxa ka dhashay in wasiirkuna dhamaanba miisaaniyada Tv-ga uu xayiro iyada oo la joojiyey mushaharkii bishan ay qaadan lahaayeen shaqaalaha Tv-ga Qaranku.
Dhanka kale wararku intaa waxay ku darayaan in wasiirka iyo maareeyuhu ay iskula tageen ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxaan Saylici balse uu saylici markii uu labadaba gartooda dhagaystay waxa uu u sheegay inay sugaan madaxweynihii magacaabay inta uu dalka ku soo noqonayo.
Khilaafkan ka jira wasaarada War faahinta ayaa ah mid dhawr jeer soo noq-noqday ilaa hadana aan xal loo hayn balse waxa aan la ogayn halka uu ku dambayn doono khilaafkaasi labada Masuul u dhexeeyaa.
Waaheen

Laaqalo