WASIIRO XUKUUMADA KATIRSAN OO KA MURAARADILAACAY GO,AANKA GUURTIDA EE KHILAAFKII GOLAHA IYO SU,AASHA DADWEYNAHA EE AH DHANKEEBAA GUULEYSTEY?

(Salaanmedi.com) Wednesday, February 19, 2014
Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi , Madexweyne Kuxigeenka Saylici, iyo xubno kale oo kamid ah Xubnaha Wakiilada idman, ayaa la sheegay in ay siweyn uga xumaadeen Go,aanka
wasiir tuug (1)

Hargeysa(SLM)-Xubno katirsan Golaha Wasiirada Somaliland,ayaa siweyn uga xumaadey go,aanka Golaha Guurtida Somaliland kusoo gunaandeen khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac ee Golaha Wakiilada Somaliland, kaas oo Mudooyinkii u dambeeyay xiisadiisu aad looga dareemay guud ahaanba Siyaasada Somaliland, islamarkaana ay Xubnaha ugu badan ee Xisbiga Kulmiye soo bandhigeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi , Madexweyne Kuxigeenka Saylici, iyo xubno kale oo kamid ah Xubnaha Wakiilada idman, ayaa la sheegay in ay siweyn uga xumaadeen Go,aanka ay Gudidii Golaha Guurtida Somaliland, ku dhex dhexaadiyeen khilaafkii Golaha Wakiilada,oo maanta lasoo saarey kaas, oo u quus gooyay koox kamid ah Golaha Wasiirada

Xukuumada Siilaanyo oo ay hurmuud ka yihiin Waasiiradan waxaaney wararku sheegeen, in ay aad uga xanaaqeen Go,aankan oo sida muuqata baajiyay arimaha xasaasiyada ah ee ka taagnaa Saaxada dalka, inkastoo ay soo dhaweeyeen, guud ahaanba Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee labada dhinac oo laga dareemayay sacab badan markii lagu dhawaaqey go,aanka, marka laga reebo mudanayaal kooban oo Wasiiradan la aragti ahaa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo weysada uga soo biyeystey dalka dibadiisa in lagaga takhaluso Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabadiraxmaan Ciro, ayaa waxa kamid noqdey raga ay sida waranka ugu mudan tahey in ciro laga dhaqaajiyo Gudoomiyanimada Baarlamaanka Somaliland,Wasiirka Maaliyada Somaliland Samaale oo ay saaxiib fog ahaayeen mudo badana u ahaa Gudoomiye kuxigeenkii koowaad ee uu xilka kaga tagi jirey taas, oo dad badani ku macneeyaan in Gudoomiye Ciro xiligii mucaaridka Kulmiye ahaa uu tix galin badan siin jirey Samaale islamarkaana, uu safaro badan oo dhinaca dalka dibadiisa ah u qorsheeyay si uu uga faa,ideysto Samaale fursadahaasi maadaama Ciro uga aqoon badnaa dalka dibadiisa, waxa kale oo ay Mudanayaasha Wakiiladu intooda badani aaminsanaayeen in Samaale oo dhinaca Arimaha Siyaasada caadifi ku ahaa uu ciro dhinacyo badan ka tusaaleyn jirey arimaha Diblamaasiyada iyo inaan loo baahneyn in Xildhibaanada Wakiilada lagu waajaho dareen, adag iyo waji qalafsan midna sidaa daraadeedna ay taasi sabab u aheyd mudada dheer ee ay xilka Shirgudoonka Wakiilada ku negaayeen,iyadoo dhinaca kale ay dad badan oo kamid ah Bulshada Reer Somaliland aaminsanaayeen in Wasiir Samaale hadii uu Siyaasada Xisbiga Kulmiye ku margado uu u wareegi doono dhinaca Saaxiibkii Ciro haseyeeshee, taasi waxey beenowdey kadib markii ay dhinacooda Weysada ula biyeysteen Samaale iyo Madexweyne Kuxigeenka Saylici Wasiir Xirsi oo isagu dalka dibadiisa uga soo cararey mooshinadii ka dhanka ahaa Gudoomiye Ciro.

Sikastaba ha ahaatee, Dadweynaha Reer Somaliland oo intooda koobani isweydiinayeen Dhinacee baa Guuleystey labadii garab ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada marka loo eego go,aanka Golaha Guurtidi kusoo kala dhex gashey, ayaa dad badani u arkaan in Xildhibaanada intooda badani soo dhaweeyeen marka loo eego in lagu khasbayay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyaha laakiin, ay go,aankan aad uga cadhoodeen ragii dabada ka riixayay ee Xukuumadu u wadey ololaha oo uu kujirey damac in ay iyagoo danaha Xukuumada iyo dantooda gaarka ah wada awooda Xukuumada ku qabsadaan hogaaminta Golaha taas, oo maanta siweyn loga dareemayay jawigii Xildhibaanada iyo soo dhaweyntii Baashe, ee Go,aanka maadaama uu Gudoomiye Kuxigeenkii Koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ambabax ka ahaa dhinaca Xubnaha kooban ee Wakiilada iyo Xildhibaanada Kulmiye labadaba.

Gunaanadkii go,aanka Golaha Guurtida Somaliland maanta kusoo gunaandeen khilaafkii Golaha Wakiilada Somaliland u dhexeeyay waxa uu guul u yahey Gudoomiye Ciro iyo Badiba Xildhibaanada Kulmiye ee qadarka lacagta ah lagu majara habaabinayay, waxaana guul daro weyn u arka Wasiir Xirsi, Xildhibaanadii koobnaa, iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumada Siilaanyo iyo taageeryaasheedaba, maadaama go,aanka lagu meel mariyay inaan ciro Mooshin ka dhan ah loo soo dhigi karin ilaa inta Doorashada Wakiiladu ka qabsoomeyso.

L Q L