WASIRKII HORE EE ARRIMAHA GUDAHA S/LAND MAXAMED NUUR CARAALE DUUR OO BEENIYAY WARAR SHEGAYA INAY LAGU XIDHAY DALKA KENYA

WASIRKII HORE EE ARRIMAHA GUDAHA S/LAND MAXAMED NUUR CARAALE DUUR OO BEENIYAY WARAR SHEGAYA INAY LAGU XIDHAY DALKA KENYA
DUUR

Hargeisa (Salaanmedia.com) Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha S/land Mudane: Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa Mar Uu Goor Dhawayd Mar Uu la soo Xidhidhay Shabakadda Caalamiga ah Ee Hadhwanaagnews Waxa Uu Beeninayay Warar Shegay in Lagu Xidhay Dalka Kenya.

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha ayaa Shegay in Aanay Haba-Yaratee Warkaasi ay Qoreen Shabakada Qaar Uu Yahay War Been abuur ah isla Markaasna ka Fog Xaqiiqda Dhabta ah.
Maxamed Nuur Caraale Duur Waxa Kale Oo Uu Shegay inuu Wakhti Xaadirkani Uu ku Sugan Yahay Dalka South Africa.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Aad Baan Marka Hore Ugu Mahad-Naqayaa Hadhwanaag Waxaan Jecelahay inaan Beeniyo Warka ay Qoreen Qaar ka Tirsan Warbaahintu Ee ay Yidhaahden Wasiir Duur ayaa Lagu Xidhay Airport Kenya
Waa Been Cad Oo Aanay Waxba ka Jirin,Hada imikadan Aan Kula Hadlayo Waxaan Jooga Wadanka South Africa,Cidi i Xidhay Ma jirto Kenya Ma Joogo,Kuwa Qoray Waxaas Waxaan leeyahay Beenta iska Daaya Oo ilaahina ka Baqa,Anigu Mudaba Halkan South Africa ayaan Joogayoo Howlo ii Gaara ayaan u Jogaa” Ayuu Yidhi Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha S/land Maxamed Nuur Caraale Duur Oo la soo Xidhidhay Shabakada Wararka Ee Hadhwanaagnews

Si Kastaba ha ahatee Waraysigani Uu Mr Duur Siiyay Shabakadda Wararka Hadhwanaagnews ayaa Bahda Saxafadda ugu Digay in Aanay Qorin Warar Been abuur ah Oo iska Horkenaya Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan.