Waxa Ugu Badan Ee Raga Iyo Dumarku Ay Ku Riyoodaan Habeenkii Marka Ay Seexdaan Oo La Ogaaday (Waa Maxay )

Waxa Ugu Badan Ee Raga Iyo Dumarku Ay Ku Riyoodaan Habeenkii Marka Ay Seexdaan Oo La Ogaaday (Waa Maxay )
Riyooo

Koox aqoonyahano ah oo u dhashay dalka Canada ayaa daraasad ay sameeyeen kadib warbixin aya ka sameeyeen waxay ku sheegeen in ragga marka ay hurdaan waxa ugu badan ee ay ku riyoodaan ay yihiin waxyaabo cabsi leh oo laga naxo.

Kooxdaan aqoonyahanada ah waxay ku sheegeen in raggu marka ay hurdaan ay badi ku riyoodaan dagaal dhaca, rasaas lala dhacayo, ayagoo ka baxsanaya bahalo cunaya, ayagoo maraya meel cabsi leh, daadad ku fatahay guryahooda, qof ehelkood ah oo ay jecelyihiin oo geeriyooday IWM.
Warbixintaan waxaa lagu sheegay in riyooyinkaas qaar ay keenaan in xattaa mararka qaar ayagoo hurda kor u qeyliyaan ama ay meeshay jiifaan ka kacaan ayagoo is leh bal ka baxsada dhibaatada.
Ragga xaasaska leh ayay kooxdaani sheegeen in dhibto badan lagu qabo oo mararka qaar ay xaasaskooda ka salaliya ayagoo riyoonaya.
Warbixintaan oo sidoo kale lagu qoray wargayska Daily Mail ayaa waxaa lagu sheegay in marka dhanka dumarka loo eego ay badi ku riyoodaan nolol caadi ah hase ahaatee ay u badan tahay inay ku riyoodaan ayagoo been sheegaya.
Kooxdaan waxay warbixintooda ku xuseen in dumarku riyadoodu u badan tahay ayagoo qof been u sheegaya inkastoo ay mararka qaar ku riyoodaan ayagoo dhibaato la kulmaya
Ninka hormuudka u ah kooxda warbixintaan diyaarisay oo la yiraahdo Antonio Zadra ayaa ku doodaya in ragga iyo dumarka marka la isku bar bar dhigo riyooyinka ay ku riyoodaan ay halis badan tahay tan ragga.