“Waxaan Ugu Baaqaynaa Dadka Walaalaha Ah Ee Reer X. Saalax Inay Aqbalaan Go’aanada Ay Soo Saaraan Ergooyinka Gurmadka Ka Galay Dilka Taliyaha Bilayska” Xildhibaan Cumar Nuur Waaye

“Waxaan Ugu Baaqaynaa Dadka Walaalaha Ah Ee Reer X. Saalax Inay Aqbalaan Go’aanada Ay Soo Saaraan Ergooyinka Gurmadka Ka Galay Dilka Taliyaha Bilayska” Xildhibaan Cumar Nuur Waaye
xildhibaan nuur waaye

Hargeysa(Salaanmedia.com) – Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mid ah golaha Guurtida Somaliland ugu jira beesha galbeedka Burco ayaa baaq nabadeed u diray falkii doraad lagu dilay taliyihii ciidanka Bileyska degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh marxuum Hurre Sahal, kaas oo ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dilkaasi u dhexeeyo inay ka fogaadaan talaabo kasta oo colaad iyo dhiig ku daato, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay inay u hogaansamaan go’aanada ay ka soo saaraan ergooyinka gurmadka u tagay deegaanada Xaaji Saalax.

Md. Cumar Waaye oo shalay Haatuf ugu xogwaramay xarunta golahooda ayaa isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan halkan baaq nabadeed uga dirayaa falkii lagu dilay taliyihii Bilayska degmada Xaaji Saalax marxuum Hurre Sahal, kaas oo ah fal ay shacbiga Somaliland oo dhami ay murugo weyn ka mujiyeen, loona baahan yahay in si dhakhso ah gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadkii dilkaasi fuliyay. Sidaa darteed labada jilib ee walaalaha ah ee dilkaasi taliyuhu saamaynta uu ku leeyahay waxaan ugu baaqayaa inay u hogaansamaan go’aanada ay gaadhaan ergooyinka gurmadka nabad raadinta ah u tagay dilkaasi deeganka Xaaji Saalax, kuna barbar istaagaan hawsha ay ku dhex galeen, kana fogaadaan falkasta oo colaad iyo isku dhac abuuri kara.

Waxaanuna u aragnaa dilkaasi taliyuhu inuu yahay kaa dhimay oo kugu dhimay.

Ehelkii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna tacsi tiiraanyo leh iyo in alle samir iyo iimaan ka siiyo, nabadgalyadana waa in laga midaysanaado ilaalinteeda, waxaana loo baahan yahay in inta nool mustaqbalkooda laga shaqeeyo, isla markaana si buuxda laysku garab taago ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida dalka”.