Weerarkii Lagu Qaaday Villa Somalia Oo La Filayo Inuu Soo Dedejiso Xil Ka Qaadista Saddexda Taliye Ciidan Iyo Wasiirka Amniga

Weerarkii Lagu Qaaday Villa Somalia Oo La Filayo Inuu Soo Dedejiso Xil Ka Qaadista Saddexda Taliye Ciidan Iyo Wasiirka Amniga
VILA SOMALIA

Muqdisho, February 24, 2014 (Salaanmedia.com) – Kulan xalay jilbaha ay is-dhigeen Madaxweynaha Somalia Xasan Maxamuud Culusow iyo golaha wasiirada Somalia oo ka dhacay aqalka Madaxtooyada ayaa laga sheegay in la isku raacay in guddi wasiiro ah loo saaro dhacdadii lagu weeraray doraad xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana loo qabtay muddo saddex cisho ah in baadhitaan lagu sameeyo sidii ay wax u dhaceen.
Sidoo kale Kulankan xalay ka dhacay Madaxtooyada Somalia ayaa lagu soo jeediyey in wasiiradu ay xaafadaha magaalada Muqdisho tagaan, isla markaana ay la shiraan dhinacyada qaybaha bulshada, iyagoo wacyigalin u samaynaya shacabka sidii aanay xaafadahooda ugu dhuuman lahayn kooxaha amaanka caasimada Muqdisho khatarta ku ah ee Al-shabaab.
Dhinaca kale warar xogogaal ah oo Wargeyska Haatuf ka helay Muqdisho ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay saddexda Taliye ciidan iyo Wasiirka Amniga Somalia ay xilalkooda waayi doonaan kadib markii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud culays weyni uu kaga yimid beesha caalamka, gaar ahaana dhaliilo badan looga soo jeediyey xubnaha amaanka ku shaqada leh ee dawladiisa habacsanaan badan iyo feejignaan la’aanta ka muuqatay oo keentay inay ka hortagi waayaan weerarkii Al-shabaab ku qaaday Madaxtooyada Somalia maalintii jimcihii ee doraad.
Weerarkan ayay ku dhinteen saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada Somalia.

L Q L