Weriyaha Ruug Cadaaga ah Ee Yuusuf Garaad Oo Dawladda Soomaaliya ku Dhaliilay Ammaanka Muqdisho Ee Sii Xumaanaya

Weriyaha Ruug Cadaaga ah Ee Yuusuf Garaad Oo Dawladda Soomaaliya ku Dhaliilay Ammaanka Muqdisho Ee Sii Xumaanaya
yusuf-garad

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar, ayaa dawladda Soomaaliya ku dhaliilay ammaanka Muqdisho ee sii xumaanaya maalmihii u dambeeyay iyo labada masuul ee Soomaaliya ugu sareeya oo socdaalo ugu maqan dalka dibadiisa.
Yuusuf Garaad Cumar oo Muqdisho ku sugani waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay bogga uu ku leeyahay barta xidhiidhka bulshadda ee Face-book, waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani u qornaa sidan:-

YYuusuf

“Maalmahan waxaa Muqdisho ka dhacay weerarro keenay dhimasho, dhaawac, cabsi ku abuurantay dad badan oo reer Muqdisho ah iyo walaac soo galay ummad badan oo Soomaaliyeed rajadii ay ka qabeen in isbeddelka Xukuumadda lagu sameeyay uu dalka u horseedo nabadgelyo iyo horumar.
Waxaa u dambeeyay hoobiyaalkii habeen hore loo qeybiyay caasimadda iyo weliba is rasaaseyn ka dhacday agagaarka suuqa xoolaha iyo qarax ay tobaneeyo ruux ku dhinteen oo khamiistii ka dhacay iridda laga galo gegida dayaaradaha Aden-Cadde.
Labadan weerar waxay u dambeeyeen weerarro isa soo taraya oo lagu hayo Soomaalida Muqdisho.
Waxay ku soo beegmeen iyada oo Madaxweynuhu dalka ka maqan yahay. Waan rajeynayay in uu safirkiisa soo gaabiyo, laakiin waan u cudur daarayaa maddaama lagu sheegay xanuun.
Hase yeeshee, waxaa la yaab igu noqotay in Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh uu dhoofo, isla markaasna kaxaysto Wasiirro dhowr ah saacado yar ka dib markii Qaraxu dhacay, welina lala tacaalayo meydka iyo dhaawaca.
Waan hubaa in uu shaqo muhiim ah u baxay, laakiin maxay noqon kartaa shaqada uga muhiimsan ammaanka Muqdisho ee sii xumaanaya in uu ku simo inta Madaxweynuhu soo laabanayo?
Ma waxaa nala barayaa in Ku Simayaashu ay Madaxdooda uga wanaagsanaan doonaan sugidda ammaanka? Imaam ayaa maanta Masjidka ku ooyay! Madaxda Qarankow maxaad u sheegi kartaan Imaamkaas? Soomaaliya ha noolaato.”
Laaqalo