Xafiiska Maamulaha Cashuuraha Berriga Ee Gobolka Togdheer Oo Maalintii Sadexaad Xidhan+Bulshadda Reer Burco Oo Cabasho Ka Muujisay

Burco(Salaanmedia.com)-Wasaarada maaliyada waliba Waaxda cashuuraha Beriga ee Gobolka Togdheer ayaa beryihii ugu danbeeyay Hoos u dhac dhinaca dakhliga ahi soo wajahay sababo dhinaca shaqada ah awgeed.
KASTAMKA 2

kadib Markii Maamulahha Cashuuraha Bariga ee Gobolka togdheer C/risaaq Jaamac Maxamed uu maamulka ka ahaa, isla markaana aad arkayso iyadoo aanu
Maamulaha Xafiiskaasi sooba shaqo tagin xilIyada shaqada Waxaanu Xafiiskiisu Hadda Xidhnaa Muddo sadex maalmood ah iyadoo dadwaynaha Adeega usoo doonta iyo shaqaaluhuba ka war dhawraan inuu bal
maruun yimaado Maamulaha cashuuraha Berigu.

KASTAMKA 2

“waa kaas oo ma soo toosin intuu doono ayuu maqnaadaa cidna waxba kama qabanayso, hal mar ayaa la bedelay oo sadex cisho oo
kaliya ayuu maqnaa, waxaanu waliba ku faanay waxba hays daalinina waan soo noqonayaaaye” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqalaha wasaarada Maaliyada oo magaciisa ka gaabsaday.
Caaqil Maxamed Saleeban oo xarunta cashuuraha beriga horteeda ku sugan oo ka hadlay maamul xumida cashuuraha bariga ayaa waxa uu yidhi”
meeshani waxay u baahan tahay qof wax garanaya oo hawl-kar ah.”
Sidoo kale wasiiru dawlaha Wasaarada maaliayada Mudane Cismaan C/laahi saxardiid oo shaqaalaha iyo madaxda wasaarada dhawaan isugu yeedhay si uu
ugala hadlo dakhliga casuuraha oo hoos u dhacay oo maraya halkii ugu hoosaysay ayaa aad u canaantay maamulka cashuuraha bariga, waxaana
hadaladiisii ka mid ahaa “Burco waa caasimadii labaad ee dalka in dakhligeeda cashuuraha berigu hoos u dhaco maxaa sababay, waxaanu maamulaha casuuraha beriga kala hadlay inuu dar-dar geliyo dhakliga.
isku soo wada Duuboo maamulaha cashuuraha Berigu waa masuulkii koowaad ee inta xilka laga qaado hadana sadex casho oo kaliya ka maqnaada Waxaana La Cadeeyey Inay Madaxweyne Siilaanyo ay isku hayb Yihiin Sidaasi daraadeed uu haysto awood dheeraad ah cid uu ka amar qaataana aanay jirin.

L Q L