Xiidhibaan Jaamac Riyo Oo Marlabaad Soo Saaray Hees Cusub Oo Lamida Tii Hore U Gilgishay Xukuumada Kulmiye, Kuna Hanjabay In Uu Siiwadayo Dagaalka Dhanka Suugaanta Ah

Xiidhibaan Jaamac Riyo Oo Marlabaad Soo Saaray Hees Cusub Oo Lamida Tii Hore U Gilgishay Xukuumada Kulmiye, Kuna Hanjabay In Uu Siiwadayo Dagaalka Dhanka Suugaanta Ah
riyo

(Salaanmedia.Com)_Xildhibaan Jaamac Axmed Faarax, ayaa doboolka ka qaaday inuu sii wadaayo guluf suugaaneedka uu xukuumadda ku dhaliilayay, waxaanu daboolka ka qaaday in toddobaadkan uu soo saari doono heestiisii labaad, waxaanu sidan u sheegay mar uu shalay warbaahinta la hadlaayay, waxaanan halkan idiinku soo gudbin doonaa, midhaha heestan dhawaan uu soo saari doono xildhibaanku iyo hadaladii uu ka yidhi
“Gulufkayga suugaaneed waa uu sii soconayaa, cid kasta oo danaynaysana aniguna waan danaynayaa, haddii aanan nafta waayina heestii labaad ayaa soo baxaysa,tii saddexaadna waa ay dabataalaa oo kama foga, sidaas ayuu u soconayaa guluf suugaanadeedka.”

Dhacdaba taariikhaheed leh
Xusuus iyo dhugashadeed leh
Dhamaystiran raad u yeele
Markaan kugu dhololaayay
Ee dheeraad kugu siiyay foodka
Inaad dhab u lexo-jeclowdo
Kuwii hore dhaami doonto
Ayaa bulshada laga dhaadhacshee
Inaad tahay dheg iyo maqal
Inaad tahay dhar iyo muuq
Dhaayuhu ruux kuu arkaan
Inuu rayi kaa dhammaaday
Oo aan taloba kugu soo dhawaanin
Dhankaaba miyaan ka eegay
Wadooyinka dhaqan galkooda
Dhaqaale ku urursigooda
Kaanbayn dhaqdhaqaajintooda
Intaad qaranka u dhintay
Iyo dhaliishaadaa ka badan.
Lasoco Dhawaan Heesta oo Dhamaystiran iyo Muusigeeda..

Laaqalo