Xildhibaan Mahdi Buubaa Oo Daboolka ka Qaaday In Wasiir Xirsi Gacanta kaga dhigay Guddidii Joogtada Golaha Wakiilada

Xildhibaan Mahdi Buubaa Oo Daboolka ka Qaaday In Wasiir Xirsi Gacanta kaga dhigay Guddidii Joogtada Golaha Wakiilada
Buubaaa

Hargeysa 09 Feb 2014 (Ogaal)- Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sheegay in Guddidii uu Guddoomiyaha u ahaa uu kala wareegay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana waxa uu Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka qabto xubno ka tirsan Golaha
Buubaaa

Wasiiradda oo faragalin qaawan ku haya Golaha wakiilada ee Somaliland. Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo shalay shir jaraa,id ku qabtay xarunta Golaha Wakiilada, waxa uu sheegay inuu bulshda u cadaynaayo iyo beesha caalamka in talaabo fool-xun ay xukuumadu kula kacayso ha’yaddihii qaranka, waxaanu yidhi, “Waxaan maanta (Shalay), jecelahay innaan bulshada reer Somaliland iyo beesha caalamka halkan uga caddeeyo talaabada foosha-xun ee xukuumadu kula kacayso ha’yaddihii qaranka ugu sarreeyay ee ay ka midka yihiin Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaaliland. Waxay faragalintaasi gaadhay in hantidii iyo cashuurtii yarayd ee dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland laga ururinayey loo adeegsado in lagu bur-buriyo nidaamkii inoodhisnaa dhammaantii. Maaha waxa bur-buraaya oo kaliya Golaha wakiilada ee waxa bur-burayaa dhamaan ha’yaddihii qaranka.” Xildhibaan Buubaa waxa kale oo uu sheegay in maalin iyo habeen xubno ka tirsan Guddida joogtada ah lagula shiray Madaxtooyada, kuwaas oo uu tilmaamay in la faray awaamiir ka dhan ah Golaha wakiilada, waxaanu yidhi, “Waxaanu cadaynaynaa in habeen iyo maalin xubno ka tirsan Guddida joogtada ah lagula shiray Madaxtooyada, lana soo faraayo awaamiir ka dhan ah xeerarka iyo Dastuurka dalka u yaala oo bur-bur horleh u horseedi-kara Golahan. Waxaanu Madaxweyne ku caddaynaynaa in qaybo ka mid ah GolahaagaWasiiradda oo ugu horeeyo Wasiirka madaxtooyadu faraha kula jiro ayna gaadheen inay Guddoomiye ka noqdaan qaar ka mid ah Guddi-hoosaadkii Golaha Wakiilada oo ay ka mid yihiin Guddida joogtada ee Golaha wakiilada. Waxa naloo soo sheegay in xubno ka mid ah Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Wasiir Xirsi uu kala shiray isagoo shir-guddoominayey in is-badel lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha.”

Ogaalnews