Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Ku Sugan Hargeysa iyo Hay’addaha Amaanka Oo Aan Ka War Hayn

Xildhibaanada Puntland oo bilaabay Olole ay ku marayaan Goboladda ay ku muransanyihiin iyo kuwa Somaliland ee Fasaxyada galay oo Hargeysa Hoganaya.
Brok news

Hargeysa(Salaanmedia.com) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa maalmahan lagu arkayey iyagoo dhex mushaaxaya boqolaalka kun ee Qof ee ku sugan caasimada Hargeysa oo aan suntanayn, taasoo meesha ka saaraysa kaalintii ay Ciidanka Amnigu ku lahaayeen ilaalinta siyaasiyiinta Somaliya oo xukuumaddu meel adag iska taagtay in ay Somaliya iyo Somaliland u kala safraan sida Shicibka.
Xildhibaan Sitiin Xuseen Af-guduud iyo Xildhibaan Ina Shoodhe oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa toddobaadkanba ku sugan Hargeysa iyada oo aanay jirin cid og ujeedada safarkooda ay Somaliland ku yimaadeen wararka Waxay Intaasi ku dareen Xildhibaanadani Inay Yihiin kuwo caadaystay safarada ay ku yimaadaan Somaliland.
Ilo wareed u dhuun daloola Xildhibaanadan oo isha ku hayey socdaalka ay ku joogaan Hargeysa ayaa sheegay in ay ka soo galeen dhinaca Itoobiya, kana soo galeen gobolka Awdal oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan, iyagoo markii danbe usoo gudbay dhinaca Hargeysa.
Hay’adaha Amniga ee ku shaqada leh Arrimaha socdaalka, Amniga iyo War-doonka ayaan illaa hada wax talaabo ah ka qaadin Xildhibaanadan oo lagu arkay iyaga oo Suuq weynaha dhex qaadaya wax cabsi ahina aanay ka hayn in la qabto, maadaama kuwo ka horeeyey inta la qabtay dib loo mastaafuriyey.
Xukuumadda Somaliland iyo Somaliya ayaa wadahadalo dhawr jeer yeeshay waxaana la iskula soo qaaday qoddob odhanayey in ay labada Dal fududeeyaan safarada iyo isku socodka labada Dal, hase yeeshee qoddobkaas waxa si weyn uga soo horjeedsatay xukuumadda Somaliland oo ku dooday in aanay siyasiyiintu isku socon Karin, balse Shicibka mubaax uga dhigtay in ay shuruud la’aan iskugu socdaan.
Labadan Xildhibaan oo degan sida wararku sheegayaan Huteel ku yaala magaaladda hargeysa ayaan la garanayn goor ay Dalka ka bixi doonaan iyo sharciyada ay illaa hada ku joogaan nooca ay tahay.
Ilo wareedyo u dhuun daloola arrimaha Socdaalka Siyaasiyiinta Somaliya gaar ahaan kuwa u dhashay Somaliland ayaa tibaaxay in inta badan ay dhuumasho ku soo galaan goboladda Dalka, isla markaana ay ka fuliyaan danaha Dawladdooda, kuwaas oo u badan kuwo ay ku mija-xaabinayaan Qarankan ay ka dal-doorsadeen.
Dhinaca kale, Xildhibaanadii Maamul Goboleedka Puntland dhawaan loo doortay ayaa bilaabay Olole ay ku marayaan deegaanada Somaliland, gaar ahaana Goboladda ay ku muran san yihiin ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, waxaanay wararka hordhaca ah ee na soo gaadhayaa sheegayaan in Xildhibaan la yidhaahdo xildhibaan C/raxmaan Cali Jibriil oo ka soo kicitimay Garowe uu kormeer ku marayo isagoo u kuur galaya xaaladda Nololeed ee dadka iyo sida uu maamulka Puntland uga shaqeeyo.
Xildhibaankan oo ku sugan Degmadda Burhaan ayaa dadweynaha la hadlay isagoo ka waraystay dhinacyada Arrimaha Bulshada gaar ahaan waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, halka kuwa Reer Somaliland ee ku jira Baarlamaanka ee ka soo jeeda Goboladaasi aanay tahli karayn in ay dhulkaas booqdaan.