Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ku Fashilmey In Ay Burco Ka Horistaagto Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Iyo Wafti Uu Horkacayey

UCID

(Salaanmedia.Com)_Musharaxa madaxweynaha ee xisbaga ucid mudana Jamaal cali xuseen iyo ku-xigeenkiisa iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka safar shaqo ku soo gaadhay magaalo madaxda gobloka todheer sida uu ula kulmo taageerayaashiisa , hasaeyeeshe xukuumada oo ka war heshay ayaa damacday in ay ka hor istaagto in Jamaal burco soo galo.

Murashaxa madaxweyanaha ee ucid ayaa warbaahint u xaqiijieyey in badhasaabka burco uuu kaga hor yimi duleedka sheikh isaga oo ku wargaliyey in aanu soo dhaafin hudheelka cigaal oo aan loo ogolayn in uu magaalada soo galo sidoo kale ciidamo boolis ah oo fara baan ayaa loogu diyaariyey Jamaal istabta laga soo galo magaalada hasa ahaatee taageerayaa badan oo xisbiga ucid k a mid aha ayaa si xoog ah ku soo dhaafiyey kantaroolka iyadoo ciidama dii badnaana ay awoodi waayeen in ay iska caabiyaan cudidii taageeyesha kuwaas oo six un uga cadhooday talaabad ay xukuumadu ku kacday.
Jamaal cali xussen ayaa lagu soo wareejiyey dhamaan xaafadaha magaalada isga oo ugu dambaynta kula haldaly taaageerayaashiisa meel fagaare ah , Jamaac cali xuseen ayaa ugu mahad celiyey sida diiran uu taageerayaashiisu gug soo dhaweeyeen magaalada burco iyo weliba sida ay uga gilgisheen falkii xumaa ee xukuumad damacsanayd in ay kula kacdo hogaanka ucid.
Jamaal cali xuessn ayaa sidaan oo kale looga hor tistagay in uu booqdo magaalad gabilay iyadoo tanina noqonayso markii labaad haseyeeshe dadweyanaha burco ayaa fashiliyey damacii xukuumada siilaanyo.
Isku soo wada duuboo arinta ayaa muujinaysa sida ay xukuumada uga go’antahay in ay cabudhiso xisbiyada mucaaradka ah.

Laaqalo