Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay in Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka Ee WFP Dagaal Kula Jirto Wax Soo saarka Dalka

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay in Hay’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka Ee WFP Dagaal Kula Jirto Wax Soo saarka Dalka
Agaasimeeee

Hargaysa Salaanmedia.com)-Agaasimaha guud ee Wasaarada beeraha Somaliland Cabdillaahi Maxamed, ayaa sheegay in ha’yadda WFP waqtiga dalaga beeraha dalka Somaliland soo go’ayaan inay keento raashinka, kaas oo uu tilmaamay inay ku amreen in WFP wax raashin ah keeni-karin xilliga dalaga beeraha Somaliland soo go’ayaan.

ee Wasaarada beeraha oo hadalkan ka sheegay mar uu hortagay fadhigii mudanayaasha Golaha guurtida Somaliland, waxa uu sheegay in Wasaaradaha beeruhu ay masuul uga tahay dawlada Somaliland wixii raashin ah, waxaanu yidhi, “Waxay ahayd in WFP aanay wax raashin ah keenin Wasaarada beeraha oo fasaxda mooyaane. Wasaarada beeraha ayaa wadanka uga wakiil ah cuntada. Wasiirku warqadii ugu horaysay ee uu u qoray waxay ahayd in dalka Somaliland WFP keenin wax raashin ah anaga oo dalabna oo baahi nahaysa mooyaane, mana ogolin waqtiga beeraheenu soo go’ayaan in WFP raashin keento.” Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in sannadka 2014-ka ay qorsheeyeen inay laba labaan wax soo saarka dalka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,“Dalka Somaliland ciidamadiisa waxa koontaraag ku haysta niman taajiriin ah oo quudiya. Waxa noo qorshaysan in ciidamadeenu cunnaan raashinka dalka, anaguna aanu soo saarno intii loo baahnaa ee raashin ah. Waxa qorshaha noogu jira 2014-ka innaanu laba laabno wax soo saarka oo aanu waxbadan aanu beerno.”

Laaqalo