452-Qof Oo U Tartamaya Shaqooyinkii Ka Banaanaaday Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Maanta Imtixaankii U Fadhiistay+Masuuliyiin Ka Hadlay

452-Qof Oo U Tartamaya Shaqooyinkii Ka Banaanaaday Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Maanta Imtixaankii U Fadhiistay+Masuuliyiin Ka Hadlay
NNNNNN

Hargaysa(Salaanmedia.com)March.09.2014 -Ardaydii dhawaan soo codsatay 45-kii Boos ee ka banaanaaday Wansaarada Arimha Gudaha Somaliland ayaa maanta qaybtii hore laga qaaday imtixaankii Shaqooyinkaasi.
Goobta imtixaanka lagaga qaadayey oo ahayd xarunta Haayada Shaqaalaha ayaa waxaa maanta Imtixaanka u fadhiistay Arday tiradoodu ay dhantahay 452-qof ku waasi oo ahaa Ardaydii jaamacadaha .

Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale, Masuuliyiin ka socotay Haayada Ladagaalanka Musuqmaasuqa iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakilada oo goob joog ka ahaa soona kormeeray sida uu imtixaankaasi u socdo ayaa ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Haayada shaqaal waxaana uu ka warbixiyey sida ay uqaadeen iy tirada ka soo qayb gashay imtixaankaasi waxaana hadaldiisii ka mid ahaa:

”…maanta oo ay bishu 9-tahay oo maalin axada, waxaa ilaahay ma hadiiya inay noosoo gababoowday liiski shaqaalaha ahaa ee soo dalbaday shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha ay ubaahnayd oo ahaa 45-boos oo inay kasoo dhexbaxaan la rabay 50700 oo ruux ,rag iyo dumarbna leh, arinkii waxaa uu soo jiitamaba waxaa shortlistgii noogu soo baxay 1970qof waanu sii kala reebnay ,manatana imtixaanka waxaa u fadhiisanaya 452-qof oo ah 45-boos oo aanu laba ukala reebnay, maaha laba isleeg oo 8-boos oo qolada dugsiyada sare ah ayaanu gaar uga soo saarnay,kuwa maanta galayaana waa jaamaciyiintii, 452qofna waxaa ay u tartamayaan 37-boos marka anaanu inta dusiyada sre ka saarno ilaahayna dee wax dhaama hayna siiyo ..”.

Gudoomiye Nuux Sheekh Muuse Ducaale waxaa kale oo uu sheegay in maalinta Salaasada ah ee soo socotana ay imtixaanka ka qaadi doonaan ardayda Dugsiyada Sare ah waxaana uu si aada ugu mahad celiyey Xildhibaanada Aqalka wakiilada ,Gudida la dagaalanka Musuqmasuqa Iyo sida oo kale Arday uu Sheegay in isxilqaameen sidii ay ay Haayada uga caawin laahayeen hirgalinta iyo wax yaabaha lagu kala sarayo .

Masuul sare oo isna ka socday Wasarada Arimaha Gudaha ayaa ina waxaa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay aad ugu farax sanyihin in ay ugu horeeyan wasaaradaha kale in ay shaqaala cusub ay qaataan.