8 Gabdhood Oo Uur Leh Oo La Badbaadiyey Iyagoo Doonayay Inay Ilmaha Dhasha Ku Iibsadaan $2,000

8 Gabdhood Oo Uur Leh Oo La Badbaadiyey Iyagoo Doonayay Inay Ilmaha Dhasha Ku Iibsadaan $2,000
UUR

Bileyska dalkasi Nigeria ayaa sheegay inay xoog ku galeen aqal u dhow caasimadda dalkaasi LNigeria ee Lagos halkaasi oo ay ku arkeen siddeed gabdhood oo uur leh oo aqalkaasi joogey qorsheynayey inay iibiyaan ilmaha dhasha iyadoo laga siinaya lacag gaadhaysa laba kun oo doolar .
“xog sir ah oo aynu helnay, ayaynu ku xaqiiqsanay kadibna xoog baynu ku galnay aqalkii oo ah meel carruurta markaasi dhasha lagu iibsado,” ayuu u sheegay afhayeen ciidanka bileyska ee dalkaasi, Abimbola Oyeyemi, mar u la hadlayey wakaalada wararka ee AFP.
Aqalka waxay kaloo ku arkeen nin looga shakiyey inuu abaabule yahay oo uu barnaamijkanba sameeyo iyo sideedii gabdhood ee uurka lahaa, gabdhani ayaa da’doodu u badneyd 20,ayuu raaciyey afhayeenkii.
“gabdhihii ayaa qirtey in carruurta dhasha lagu iibinayo laba kun oo doolar,” ayuu yidhi sarkaalkaasi la yidhaah Oyeyemi , isagoo ku daray in eedeysanahaasi la xukumi doono marka ay baadhitaanada dhamaad.
Bani aadamka la iibsanayo ayaa aad ugu badan bariga Afrika, iyadoo carruurta la iibsado lagu shaqaysto oo ayka shaqeeyaan beeraha,macdanta iyo warshadaha.