ALLAAH HAW U NAXARIISTEE MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC OO LAGU AASAY MUQDISHO (DAAWO SAWIRADA)

ALLAAH HAW U NAXARIISTEE MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC OO LAGU AASAY MUQDISHO (DAAWO SAWIRADA)

TUBEEC 333

Muqdisho (Salaanmedia.com) – Allah Haw U Naxariistee Boqorkii Codka Fanaaniinta Soomaalida Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa maanta lagu aasay Xabaalo ku yaala Magaaladda Muqdisho ee Magaalo Madaxda dalka Somaliya.

TUBEEC 444

Maydka Marxuumka ayaa waxa saaka laga soo dejiyay garoonkad iyaaradha ee Aadan Cade, waxaana Aaskiisa oo ka dhacay Xabaalaha School Polizio oo dhinaca ku haya Garoonka diyaaradaha Masuuliyiintii ka soo qayb gashay ka mid ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Saraaiisha Ciidanka, Abwaanada, Fanaaniinta, ehelada marxuumka iyo qaybaha bulshada Somaliyeed.

TUBEEC 666

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa wuxuu sheegay in Maxamed Saleebaan Tubeec uu ahaa, mid si weyn saamayn ugu lahaa Suugaanta Wadanka, wuxuuna qaaday sida uu qabo heeso Wadani ah, oo aad u qiiro badnaa..
TUBEEC 88

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka soomaaliyeed geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi Naxariistii janno ha ka waraabiyee Maxamed Saleebaan Tubeec.

Sidoo kale waxa aaskaasi ka soo qayb galay wiilasha ay ka midka yihiin Mustafe Maxamed Saleebaan, Mahdi Maxamed Saleebaan iyo Faysal Maxamed Saleebaan oo uu marxuumku dhalay, halka dhinaca kale ay goobta joogeen Faadumo Duur iyo Khadiija Ismaaciil oo uu qabay Marxuumku.
TUBEEC 444

Allah Ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa ku dardaarmay in hadii uu geeriyoodo lagu aaso Magaalada Berbera ee Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee dalka Somaliland, halka hadii ay suurtogal noqon waydana laga geeyo Magaaladda Muqdisho.
Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay marxuumku uu hore warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in lagu aasi doono Magaalada Muqdisho taas oo ka dambaysay ka dib markii Maamulka Magaaladda Muqdisho ay bixiyeen Kharashkii ku baxayay Soo qaadista maydka, halka Somaliland ay dhawr maalmood ka dib gudi qaban qaabo u magacawday Marxuumka.

TUBEEC  111