“Anagu Ma Ogin Wax Dhibaato Ah Oo Jirta Oo Muddo Kordhin Keeni Karta, Mucaaridku Waa Inay Cadeeyaan Halka Ay Ka Keeneen Muddo Kordhintan Iyo Saska Ay Qabaan”

Gud. Golaha Ddhexe Ee Kulmiye, Jaamac Shabeel
Jaamac Shabeel

Hargeysa, March 2, 2014 (Salaanmedia.com) – Xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye ayaa sheegay inaanay garanaynin ujeedooyinka ay axsaabta mucaaridka ahi xilligan ka qaylinayaan, iyadoo aanay jirin ifafaale xukuumada muddo kordhin loogu samaynayo, isla markaana ay xilligii doorashada wakhti badan oo doorasho dalka lagu gaadhsiin karaa ka hadhay.
Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo qaar warbaahinta ka tirsan u waramayay ayaa ku dooday inaanay fahamsanayn qaylada axsaabta mucaaridka ah ka soo yeedhaysa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagu ma ogin wax dhibaato ah oo jirta oo muddo kordhin keeni karta, siyaasada Kulmiye iyo xukuumadiisu ay ku shaqaynayaana waa in doorashooyinku xilligoodii ku qabsoomaan, wakhti badan ayaana ka hadhay oo dalka doorasho lagaga qaban karo, sidaas darteed anagu (Kulmiye) maanu fahmin qaylada mucaaridka, iyadoo aan la is-gaadhin-ba oo aanay waxba jirin, muddo kordhinta ay sheegayaana iyagaa sheegi doona”
Gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye waxa uu sheegay inay qaylada mucaaridka ee xilligani aanay ahayn mid munaasib ah, waxaanu ku dooday in hawshii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha arrinteedii socoto oo la wado. “Wakhti badan ayaa ka hadhay doorashadii oo xilligeedii ma joogno saadaal doorashada dib u ridaysaana ma muuqato, markaa mucaaridku waa inay innoo cadeeyaan halka ay ka keeneen muddo kordhintan iyo saska ay qabaan,”