Arjen Robben Oo Qandaraas Cusub U Saxeexay Bayern Munich

Arjen Robben Oo Qandaraas Cusub U Saxeexay Bayern Munich

Arjin

Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in Arjen Robben uu saxeexay heshiis cusub oo seddex sanno ah isagoo kooxda Bavarians sii joogi doona ilaa iyo June 2017.
Xiddiga reer Netherlands ayaa hore qandaraaskiisa uu u dhici lahaa xagaaga 2015, iyadoo kooxo dhowr ah ay qiimeynayeen xaaladiisa Allainz Arena.
Si kastaba Robben ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in waqti uun ay ka harsan tahay inuu saxiixo heshiis cusub, maanta ayuuna qalinka ku duugay.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay qandaraaska cusub ee haatan, waxaana sii wadi doonaa inaan u dagaalamo inaan koobab la qaado Bayern” ayuu 30 jirkaan ka yidhi heshiiskiisa cusub.
“Waxaan haatan ku jiraa sannadkeygii shanaad ee Bayern Munich, waxaana soo socda seddex sanno kale. Waxaana ay tani calaamad u tahay in qoyskeyga iyo aniga aan ku faraxsanahay Munich iyo Bayern-ba.”