Aroortii Oo Aan La Quraacanin Oo Keeni Karta Wadno Xanuun

Aroortii Oo Aan La Quraacanin Oo Keeni Karta Wadno Xanuun

Aroortii

Cilmi baadhis ay sameysay jaamacada Harvard oo ay kula socotay xaalada caafimaad rag u dhexeeya 45-82 oo tiradoodu gaareysay 27,000 oo weliba ragaasi ah rag ka shaqeeya hayado caafimaad ay rugaha daryeelka caafimaadka in ka badan 17 sanana uu socday baaritankaas ayaa lagu ogaaday in ay leedahay dhibaatadeeda hadii laga tago quraacda subaxdii. Dhibaatooyinka caafimaadka ugu darana waa ta Wadno xanuunka ama cudurada wadnaha.
27% dadka ka taga quraacda waxaa la soo dersa cudurada wadno xanuunka ama waaba ay u dhintaan. Ragaan quraacda ka taga badanaa wa rag doob ah ama single ah, leh balwado sigaar cabis ama qamri cabisba. Laakin hadiiba arintani ay la xariirto balwada, raga soomaaliyeed ee jaadka cuna taloow subaxdii ma quraacdaan? Badanaa inta aan la socdo, MAYA!
Soomaalida badanaa raga dhalinyarada ahi quraac kuma fekeraan, lakin, badanaa Raga somaaliyeed ee singlada ahi quraac la’aanta dhibaatooyinka ay kala kulmaan waxaa ka mid ahaa cudurada caloosha ku dhaca ee Gaaska loo yaqaan, taas oo sababta noqon karta calaasho oo u baahan wax ay dheef shiido, taasna ay ka dhalato cudurada gaaska, laakin hada baritankaan cusub awadeed, wadno xanuuna meesha kama maqna, hadii aad quracda dhayalsato in aad ilowdo ama aadan cuninba.