Arsenal Oo U Gudubtay Semi-Finalka FA Cup Kadib Markii Ay Ka Badiyeen Everton

Arsenal Oo U Gudubtay Semi-Finalka FA Cup Kadib Markii Ay Ka Badiyeen Everton
AARSINAL

Arsenal ayaa galabta iska xaadirisay semi finalka Fa Cup kadib markii ay 4-1 kaga adkaadeen Everton, biowgii ciyaarta ayay Arsenal gool la hormartay waxana u saxiixay Ozil daqiiqadii 7-aad kadib kubad qurux badan uu ka helay Cazorla, inta aysan dhaman qeybtii hore Ee ciyaarta ayay Everton la timid goolka barbaraha waxana u saxiixay Lukaku oo kubadda weerar celis aheyd daqiiqadii 32-aad ka dhaliyay Arsenal.
Arsenal oo qeybti hore Ee ciyaarta iska maamulaneysay ayaa awoodi weysay inay mar kale hogaanka u qabato ciyaarta, waxeyna heleen afar shoot oo toos ah halka Everton ay heshay labba shoot, waxeyna Arsenal sii waday kubadd heysahsadii lagu yaqiin, waxeyna qeybti hore ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah.
Qeybti labaad Ee ciyaarta marki laysku soo noqday ayay labadda dhinacba isku dayeen inay hogaanka ciyaarta la wareegan balse taa ma aysan suur galin iyadoo uu Chamberlain daqiiqadii 56-aad uu goolka kubad la beegsady balse golhaye Joel uu ka beeniyay sido kale Sagna iyo Cazorla ayaa fursado gool loo fishay helay lakiin qalad lagu galay Chamberlain ayaa Arsenal rigoore loogu dhigay daqiiqadii 68-aad waxana u saxeexay Arteta.
Inta wixi ka dambeyay ayay Arsenal inteda badan garoonka la wareegtay, inkastoo aysan Everton ka liidan hadane ciyaarta wax sidaa u buuran iskama aysan badalin balse Giroud ayaa hogaanka u sii dheereyay Arsenal daqiiqadii 83-aad kadib kubadd uu banaanka u soo dhigay Sagna, inta kuma eysan ekaan Arsenal labba daqiiqo kadib mar kale Giroud ayaa goolka afaraad u dhaliyay kadib baas uu ka helay Ozil, sidaa ayayna ciyaartii ugu soo gabgabowday 4-1 oo ay guusha ku raacday Arsenal.